Finland waxaa maanta laga helay feyruska korona 617 qof oo hor leh

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Talaada 31.08.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 617 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 127 182 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 80 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Meelaha ugu badan ee laga helay feyruska korona sidii caadiga ahayd waa gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 262 qof, gobolka Pirkanmaa oo laga helay 78 qof, gobolka Varsinais-Suomi waxaa laga helay 42 qof, iyo gobolka Vaasa oo laga helay 32 qof .

Magaalooyinka ugu badan ee dalkaan Finland laga helay feyruska waa sidatan soo socota:

tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 152
Tampere 61
Espoo 60
Kajaani 41
Vantaa 29
Vaasa 23
Turku 21
Seinäjoki 20
Lahti 16
Oulu 11
Hämeenkyrö 9
Kemijärvi 9
Tammela 9
Lappeenranta 8
Forssa 8
Salo 6
Kotka 6
Kuopio 6
Mustasaari 5
Sotkamo 4
Porvoo 4
Mäntsälä 4
Hanko 4
Alavus 4
Hämeenlinna 4
Kaarina 4
Raisio 3
Kempele 3
Lempäälä 3
Savonlinna 3
Imatra 3
Rovaniemi 3
Kuusamo 3
Kouvola 3
Kauhajoki 3
Pirkkala 2
Kemi 2
Lieto 2
Kokkola 2
Naantali 2
Järvenpää 2
Kerava 2
Mikkeli 2
Keminmaa 2
Enonkoski 2
Siikajoki 2
Laihia 2
Hyvinkää 2

 

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 97 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira 20 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 1029 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 12 281 oo qof, kuwaasoo 7 953 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska ee haatan loo bixiyay Alfa, halka 1 445 waa nooca Koonfur-Afrika oo haatan loo bixyay Beeta, Nooca Hindiga oo ah 2 786 oo haatan loo bixiyay Delta, iyo 7 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil, oo haatan loo bixiyay Gamma. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 13.08).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 71,8%tirada dadka Finland. Labada tallaalba waxaa loo dhammaystiray oo qaatay ku dhawaad 49,7 % tirada dadka Finland (31.08.).