Finland waxaa laga helay maanta 520 qof oo uu ku dhacay feyruska korona

Axad 21.03.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 520qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 71 643 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay tiro gaaraysa 9 580 qof ayaa ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud qiyaastii illaa iyo 63 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay363 qof, waxaa ku xiga gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 78 qof, iyo gobolka Pirkanmaa oo laga helay 19 qof, iyo Kanta-Häme oo laga helay 14 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 188 Hamina 4
Turku 56 Hyvinkää 4
Vantaa 53 Vihti 4
Espoo 49 Laukaa 3
Tampere 14 Forssa 3
Lahti 11 Vaasa 3
Kerava 10 Suonenjoki 3
Lappeenranta 9 Tuusula 3
Hämeenlinna 8 Pötyä 3
Kuopio 7 Mäntsälä 3
Sipoo 7 Tammela 2
Jyväskylä 6 Kemiönsaari 2
Lohja 5 Kouvola 2
Salo 5 Nurmijärvi 2
Järvenpää 5 Kaarina 2
Pori 4 Valkeakoski 2
Raiso 4 Uusikaupunki 2
Oulu 4 Joensuu 2

 

Inta kale ee magaalooyinka soo harayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 271 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  55 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 805 qof. Maanta hay’adda THL ma aanay sheegin wax dhimasho cusub ah.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 1 963 qof, kuwaasoo 1 823 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 139-ka kalena u yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 732 000 oo qof (21.03)

 Xaaladda Korona ee Qaaradda Yurub iyo adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunka oo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

       41 117 904      123 543 550
               917 107          2 723 665

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS