Xisbiga SDP ee Finland oo Guddoomiye cusub u doortay Sanna Marin, Raisal wasaaraha Finland

HELSINKI — Raisul Wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa loo doortay in ay guddoomiye ka noqoto xisbigeeda SDP, siddeed bilood kadib markii loo doortay Raisul Wasaare, ayna noqotay hoggaamiyaha ugu da’da yar waddamada Nordic la isku yiraahdo, sida ay qortay wakaaladda Wararka ee Asociated Press (AP)

Xisbiga Social Democratic Party (SDP) oo ka mid ah xisbiyada ugu waaweyn dalkan Finland, ahna xisbiyaha ugu cad cad ayaa maalinnimadii Axaddii ugu codeeyay Sanna Marin in ay hogaamiso, iyadoo noqoneysa haweeneydii labaad ee hogaamisa xisbigaas intii uu jiray. Waxa ay bedeli doonaa Antti Rinne oo xisbiga soo hogaaminayay tan iyo 2014-kii, isagoona iska casilay xilka Raisul Wasaarenimo bishii Desember ee sannadkii la soo dhaafay.

“Waad ku mahadsan tihiin aaminaaddiina. Waana isku dayi doonaa in aan u qalmo aaminaaddaas. Nolosha looma sii qorsheyn karo si horudhac ah, balse waa inay sida ay tahay loo qaataa. Xaalad walbana waa in la wajahaa, loona wajahaa sida ugu wanaagsan marxalad kasta oo ay noqotaba.” Raisul wasaare Sanna Marin, ahna guddoomiyaha cusub ee xisbiga SDP ayaa tiri.

Raisul wasaaruhu muddadii ay xilka haysay waxaa hareeyay xanuunka Korona Feyrus, taasoo ay ku muteysatay amaan ka dhalatay sidii ay u maareysay xanuunkaas wax ka qabashadiisa. Guud ahaan dadka deggan dalka Finland oo gaaraya 5.5 malyan oo qof ayaa waxaa xanuunka COVID-19 uga geeriyootay 334 qofood.

Isha Warka: Associated Press (AP)