Shirkadda diyaaradaha ee Finland (Finnair) oo dib u billaabaysa duulimaadyo muddo xayirnaa

Helsinki 21.7.2020- War ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha Finland (Finnair) ayaa lagu sheegay in laga laga billaabo Khamiista ku soo socota oo ku beegan 23.7.2020 ay u duuli doonaan dalka Shiinaha.

Waxaa kale oo warka ka soo baxay shirkadda lagu sheegay in shirkaddu ay oggolaanshaha dib u billaabista duulimaadyada ka heshay dowladda Shiinaha, duulimaadyada ugu horreeya ee qorshaysan ayaa ah todobaadkii halmar waana duulimaad toos ah oo ka baxaya Helsinki kuna dhammaanaya Shanghai.

Finnair ayaa waxay dhanka kale rajaynaysaa in ay kordhiso mustaqbalka dhow duulimaadyadeeda dhulka Shiinaha iyo weliba Aasiyada kale.

Safarada shaqada iyo kuwa kale ee lagama maarmaanka ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo Finland ayaa weli ku xiran go’aan wadaag ah oo uu Midowga Yurub ka gaaro hirgelinta wax is-dhaafsiga Shiinaha, taas oo ka dhigan in Shiinuguna uu aqbalo safaradda ay reer Yurub ku tagayaan Shiinaha.

Dadka dibadda ka imaanaya iyo kuwa dalka dhexdiisa ku socdaalaya ayaa waxaa saarnaa tan iyo 10.7.2020 amarkii karaantiilka ee 14 maalmoodka ahaa, kaas oo ay dowladda Shiinuhu horay u soo saartay. Amarkan karaantiilka ah ayaa shaqaynayay illaa iyo 10.7.2020, balse weli lama hayo war rasmi ah oo ay dowladda Shiinuhu amarkaas wakhtigiisu dhammaaday uga hadashay.

Xigasho: ILTALEHTI

Xuquuqda sawirka: YLE