Mudaaharaadyada looga soo horjedo cunsuriyadda ee dalka Maraykanka ee ka socda qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn oo sii xoogaysanaya

Waxaa wali socda mudaaharaadyada ka socda magaalada Kenosha gobolka Wisconsin ee dalka Maraykanka, iyadoo mudaaharaadyadaasi ay galeen maalinkii lixaad. Waxaana dadka mudahaaradka wada ay dalbanayaan sinnaan iyo caddaalad loo sameeyo dadka oo dhan.

Goobta mudaaharaadka uu ka dhacayo ayaa la keenay ciidamo badan amniga ah si looga hortago iskahorimaadyo iyo dagaal ka dhex qarxa mudaaharaadka.

Dadka mudaaharaadka ka qaybgalaya oo isugu jira caddaan iyo madow ayaa waxaa ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin ”waxaan doonaynaa caddaalad. Ujeedada mudaaharaadyada loo sameeyay ayaa ahayd in lagu raadinayo sidii uu caddaalad ku heli lahaa muwaadin asalkiisu ka soo jeedo dadka madow oo la yiraahdo Jacob Blake, kaasoo axaddii la soo dhaafay oo nin boolis ah oo asalkiisu caddaan yahay uu toddoba rasaas ah ku dhuftay, waxaana uu arrinkaas sababay in muwaadinkaasu uu gabay dareenka qaybta dambe ee jirkiisa.

Sidoo kale magaalada Washigton ayaa waxaa ka dhacay khamiistii mudaaharaad aad u ballaaran oo looga soo horjeedo cunsuriyadda. Waxaana halkaas ka hadlay dad isugu jiray qaraabada Jacob Blake iyo kuwa Goerge Floyd.

Waxaana arrinka mudaaharaadka sii kiciyay mar uu madaxweynaha Maraykanka Donalnd Trump oo hadal ka jeedinayay golaha xisbiga jamhuuriga ah kaddib markii ay u ansixiyeen in uu noqdo musharraxooda doorashada madaxweynaha, uu ku tilmaamay dadka mudahaaraadaya in ay yihiin kooxo gaangiistaro ah, taasoo ka caraysiisay dad badan oo Maraykan ah.