Weriyaha caanka ah Khaalid Foodhaadhi oo safar shaqo ku yimid dalka Finland

Khaalid Foodhaadhi oo safka hore uga jira weriyayaasha warbaahinta danabaysan adeegsada ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Vantaa-Helsinki ee dalka Finland.

Weriye Khaalid oo hawlo la xiriira mihnaddiisa saxaafadeed u yimid Yurub ayaa socdaalkiisa ka billaabay dalka Finland, wuxuuna kulamo aqoonkororsi iyo indha-indhayn isugu jira ku yeelan doonaan maalmaha soo-socda qaybo badan oo ka tirsan Finland.

Weriyaha ayaa waxaa Finland ku casuumay Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo ah mundane ka tirsan baarlamaanka Finland, Golaha deegaanka ee magaalada Helsinki iyi ergayga gaaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika.

Khaalid oo dad aad u fara badan oo Malyan qofood gaaraya ay ku xiranyihiin wararkiisa iyo barahiisa warbaahinta bulshada ayaa ka sokow saxaafadda, ku suntan aadna u ugu dhuun-daloola arrimaha nabadda, isbeddelka cimilada.

Baarlamaanka Finland, qaar ka mid ah jaamacadaha Finland, hay’adaha Finland ka dhisan ee nabadda iyo badbaadada deegaanka ku foogan ayaa ka mid ah dhinacyada uu la kulmi doono weriye Khaalid Foodhaadhi inta uu joogo Finland.

Xarunta Baarlamaanka Finland ayuu kula kulmi Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika wuxuunba kala wareysan doonaa siyaasadda Finland ee ku wajahan Geeska Afrika.

Ururka dhallinyarada ee UN Youth Organization ayuu weriye Khaalid kula kulmi doonaan xaruntooda Helsinkii isagoona kala hadli doona doorka ay dhallinyaradu ku leeyihiin nabadda caalamka, isbeddelka cimilada iyo guud ahaan xasaradaha ka jira dunida.

Ururka Difaacayaasha nabadda ayuu sidoo kale Khaalid Foodhaadhila yeelan doonaa kulamo-hawleedyo nabadda iyo difaaceeda la xiriira. Waxaa intaas dheer in uu Khaalid ka noqon Tifaftire sharafeed Shabakadda warbaahinta Soomaalida Finland (Finnish-Somali media network) oo wararka, warbixinnada iyo aragtiyada ku soo gudbisa afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Finnishka.

Khaalid ayaa sidoo kale Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Finland ku nool iyo kuwa Finnishka ah la yeelan doono kulamo xogwareysi iyo xiriir-abuuris isugu jira oo looga golleeyahay billaabista wadashaqeyn dhexmarta Saxaafadda Geeska Afrika iyo tan Finland.

Waxaa kale oo uu weriye Khaalid Foodhaadhi si gaar ah u danaynayaa in uu la kulmo Jaaliyadda Soomaalida ah ee Finland ku dhaqan.

Finland kaddib, wuxuu weriye Khaalid Foodhaadhi safar shaqo ku tegi doonaa qaar ka tirsan dalalka Yurub.

Halkan kala soco wararka safarka weriye Khaalid Foodhaadhi ee dalka Finland iyo guud ahaan qaaradda Yurub.