Xisbiga Dhexe (Keskusta) ee Finland oo soo xushay qofka beddelaya Katri Kulmuni

Helsinki 8.6.2020 Finland waxay Talaadaa ku beeggan 9.6.2020 yeelanaysaa wasiir maaliyadeed cusub, kadib markii uu xisbiga Dhexe go’aansaday in uu xilkaas u soo xusho Guddoomiyaha Baarlamaanka Finland Matti Vanhanen.

Xilkan ayaa waxaa horay isaga casishay Katr Kulmuni, kagadaal markii ay ku soo ku burqadeen warbixinno bidhaaminaya wax is-dabamarin iyo ku takrifal dhaqaale.

Matti Vanhanen oo horay dalka Finland uga soo qabtay xilal badan ayaa mar xitaa dalkan ka soo noqday Ra’iisal wasaare.

Xaaladda dhaqaalaha Finland oo aan haatan wanaagsanayn ayaa waxaa wasiirka maaliyadda ee la soo xulay kala doodaya qaar kamid ah hoggaamiyayaasha xisbiyada dalka. Hoggaamiyayaasha xisbiyadan caawa dooda qaybta ka ah ayaa kala ah Li Andersson, hoggaamiyaha xisbiga Bidixda, Jussi Halla-Aho, Xisbiga midigta (ps.) iyo Petteri Orpo, xisbiga isbahaysiga qaranka (kok.).

Ka sokow siyaasadda xukuumadda Finland waxaa doodan caawa lagu lafagurayaa siyaasadda dhaqaale ee ay Finland haatan u baahantahay, maadaama ay la daalaa-dhacayso daqar uu safmarka Korona u gaystay dhaqaalaheeda.

Waxaa kale oo doodan ka baxaysa telefishinka Yle gaar ahaan barnaamijka A-Studio ka qaybqaadanaya khabiiro iyo suxufiyiin madaxbanaan oo aad ugu dhuun-daloola siyaasadda iyo dhaqaalaha Finland.

Xigasho: YLE

Xuquuqda sawirka: Yle