Ruushka oo la filayo in uu carqaladeeyo habsami-socodka ku biirista Finland ay Nato ku biireyso

Pääministeri Sanna Marin tiedotustilaisuudessa 26.11.2020. Photo: Valtioneuvosto facebook stream/screenshot

Ra’iisal wasaaraha Finland Sanna Marin oo marti ku ahayd warka dheeraadka ah ee telefishinka MTV Uutisextra ayaa ka hadashay suuragalnimada in Ruushku ku dhaqaaqo tallaabooyin uu ku xagal-daacinayo habsami-socodka hawsha ku biirista Nato.

Mid kamid ah tallaabooyinka la filayo in uu Ruushku ku dhaqaaqo ayaa ah sida la sheegayo muhaajiriin/megangelyo-doon fara badan oo uu soo dhoobo xadka uu Finland la wadaago, si culeys siyaasadeed iyo mid maamulba uu u koro xukuumadda Finland.

Haddii uu Ruushku tallaabadaas qaado ayeey Marin sheegtay in markaas aanay ka baaqsan karin xiritaanka xadka Ruushka iyo Finland kala qaybiya.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli habraaca codsiga ku biirista Nato ee Finland uu heer dhammaad ah mnarayo dhowaanna la filayo in Baarlamaanka Finland uu qalinka ku duugo ku biirista Nato.

Isha warka: MTV3