Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo kulan labo geesood ah la qaatay Golaha Shuurada ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya

Meeting- MP Suldaan iyo Dr. Hanan 6 Al-qahtani

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo ka tirsan Baarlamaanka Finland, ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika  ayaa maanta la kulmay Dr. Hanan Alahmadi, ku xigeenka Afhayeenka Golaha Shuurada ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya Hazza Al-Qahtani, guddoomiyaha Guddiga saaxiibtinimada Baarlamaannada Finland iyo Sucuudiga.

Meeting of MP Suldaan iyo Dr Hanan

Kulanka oo ay sidoo kale qayb ka ahaayeen xubno kale oo ka tirsan Golaha Shuurada Sucuudiga ayaa looga hadlay xiriirka Finland iyo Sucuudiga ee ku dhisan iskaashiga sida ganacsiga iyo xoojinta isku xidhnaanshaha ka dhexeeya labada Gole, waa Golaha Shuurada Sucuudiga iyo Golaha Baarlamaanka ee Finland.

Arrimaha amniga, xaaladda Yukreyn iyo Geeska Afrika ayaa sidoo kale kulanka labada dhinac lagu qaadaa-dhigay.

MP Suldaan oo maalmahan ku sugnaa Sucuudi Carabaiya ayaa ka sokow cibaadada wuxuu kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka tirsan hoggaanka Boqortooyada Sucuudiga.

SSMV