Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan Geeska Afrika oo la kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mukhtaar Roobow

MP Suldaan Said iyo Wasiir Roobow

MP Suldaan Said Ahmed oo ku guda jira safar shaqo oo uu ku marayo Geeska Afrika ayaa la kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mukhtaar Roobow.

Ergeyga iyo Wasiirka ayaa ka wadahadalay sidii looga wada shaqeyn lahaa la dagaalanka fikirka xadjirnimada ah islamarkaasna loo muujin lahaa, in diinta Islaamku ay tahay mid naxariis iyo wanaag ah ku dhisan.

Safarka shaqo ee Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo baahsan oo looga soo horjeedo Uurka Argagixisada ah ee Alshabaab.

Wixii ku soo kordha safarka shaqo ee uu Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika MP Suldaan Said Ahmed uu ku marayo Geeska Afrika kala soco warsidaha SSMV.