Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo kulan la qaatay Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha, federaalaka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya

Suldaan iyo Wasiir Fiqi iyo wasiiru dowle Ilyaas -Xuquuqda sawirka Moifar-Somalia

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed ayaa Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha, federaalaka iyo dib u heshiisiinta uga warbixiyay ujeedadda socdaalkiisa iyo arrimaha ay dowladda Finland sida gaarka ah u doonayso, in ay ka caawiso Soomaaliya.

MP Suldaan oo kulanka Moifar ka hadlaya Xuquuqda sawirka Moifar-Somalia

MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa wasiirka iyo wasiiru dowlaha u sheegay, in Finland ay muhiimad gaar ah siinayso arrimaha la xiriira nabadaynta iyo iscafinta.

Wefdiga ka socday Dowladda Finland ee uu hoggaaminayay MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika  ayaa waxaa ka mid ahaa agaasimaha Waaxda Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland Jukka Pajarinen.

Kulanka MP Suldaan iyo Moifar Xuquuqda sawirka: Moifar-Somalia

MP Suldaan ayaa sidoo kale sheegay, in dowladda Finland ay diyaar u tahay maalgelinta arrimaha ay ka midka yihiin nabadeynta, xasilinta iyo dib u heshiisiinta. MP Suldaan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in Finland ay sidoo kale Soomaaliya ka caawinayso wax ka qabashada abaaraha dalka ka jira.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Ilyaas Cali Xasan oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay, in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siinayso maamul daa-dejinta, xoreynta deegaannada qaar ee dalka ka socota iyo nabad ku soo dabbaalidda guud ahaan dalka. Wasiiru dowlaha ayaa intaas ku daray, in marka Nabad la helo ay wax walba shaqaynayaan.

Xildhibaan MP Suldaan Said iyo Wasiir Fiqi Xuquuqda sawirka: Moifar

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa Dowladda Finland ku ammaanay shaqada hufan ee ay guud ahaan Soomaaliya ka hayaan wuxuuna carabka ku adkeeyay, in dib u heshiisiintu ay dowladda Soomaaliya ugu jirto arrimaha hortabinta leh, arrimahaas oo ay sidoo kale ka mid yihiin xasilinta dalka iyo gargaar gaarsiinta goobaha laga saaray argagixisada Al-Shabaab.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay, in dib u soo nooleynta wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ay ku jirto ajendayaasha ay wax ka qabanayso dowladda Soomaaliya.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi oo isla arrinta wahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ka sii hadlayay ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay kaalinta MP Suldaan Said Ahmed, Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika u leedahay dib u soo nooleynta wahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Wixii ku soo kordha safarka shaqo ee uu Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta Geeska Afrika MP Suldaan Said Ahmed uu ku marayo Geeska Afrika kala soco warsidaha SSMV