Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ayaa socdaalkiisii saddexaad ee shaqo ugu ambabaxaya Geeska Afrika

Suldaan-Kuva Vitali Gusatinksy/MP Suldaan Said-Facebook

Tan iyo wixii ka dambeysay markii MP Suldaan Said Ahmed loo magacaabay xilkan diblomaasiyadeed ee la xiriira arrimaha nabadaynta, dhexdhexaadinta iyo xasilinta Geeska Afrika ayaa waxaa si xawli ah u dhaqaaqay doorka shariifka ee ay Dowladda Finland ku leedahay bari-taageeridda nabadgelyada, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada ee dalalka dhaca Geeska Afrika.

MP Suldaan Said Ahmed oo ka hadlayay safarka shaqo ee uu Geeska Afrika ku tegayo ayaa bartiisa Twitter:ka ku qoray, in uu rajaynayo in uu wadaxaajoodyada iyo wahadallado waxytar leh uu la soo qaato madaxda Geeska Afrika.

Wararka ku saabsan safarka shaqo ee uu MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika ku tegayo Geeska Afrika waxaan ku soo gudbin doonaa halkan, haddii Alle Idmo!

SSMV