Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dilkii ka dhacay bartamaha Helsinki- qof kale oo la qabtay

Sawirka: Mahad Sheikh Musse Duceysane/Suomen/ Somali Media/Keyd-sawirku warkan lama xiriiri

Helsinki 22.4.2021- Booliska Helsinki ayaa sheegay in uu qabtay qofkii ugu dambeeyay ee kamidka ahaa koox todoba qofood ka koobnaa oo joogay goobta uu falka dilka ah ka dhacay ee ku taal bartamaha magaalada Helsinki.

Booliska ayaa Talaadadii shaaciyay, in habeenki Isniinta ay Malmi ka soo qabteen lix qofood oo looga shakisnaa in ay lug ku lahaayeen mindiyayn ka dhacday xarunta guud ee tareennada. War booliska laga helay ayaa sheegaya in hadda ay qabteen hal qof oo ay Isniinta soo qaban waayeen, kaas oo kiiskan lala xiriirinayay.

–Jukka Larkio oo baaraha kiiskan ayaa sheegay, in ay Talaaladi 20.4.2021 qabteen wiil 16 sano jir ah oo ah qofka kaliya ee hadda looga shakisanyahay in uu dilka geystay.

Waxaa kale oo ay boolisku sheegeen, in 6:di qofood ee kale ee horay loo xiray la sii daayay habeenki Talaadada, kagadaal markii su’aallo la weydiiyay. Mid kamid ah lixdaas ayaa waxaa looga shakisanyahay in uu galay dembi jirdil ah.

Tan iyo markii ay dhacdadan argagaxa leh dhacday ayaa waxaa iska soo daba-baxayay baaqyo loo jeedinayo waalidiinta iyo hawl-wadeennada arrimaha bulshada, baaqyadaas oo looga dalbanayo in ay si wadajir ah wax uga qabtaan fal-dembiyeedyadan mugdiga gelinaya mustaqbalka da’yarta dalkan ku nool.

isha warka

SSMV