Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed, Ergayga gaarka ah ee dowladda Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika oo ku hawlan xasilinta colaadda Laascaanood

Xildhibaan Suldaan iyo Safiir Tapiola

Kulan qayb ka ah dadaallada diblumaasiyadeed ee uu MP Suldaan Said Ahmed ku doonayo in uu ugu kala dab-qaado dhinacyada ku lugta leh mashaqada iyo colaadda Laascaanood ka taagan ayaa ka dhacay Nayroobi, Kenya. Kulankan ayaa dhexmaray MP Suldaan iyo Safiirka Finland u qaabilsan dalalka Kenya, Somalia iyo Eritrea, Mudane Pirkka Tapiola.

Safiir Tapiola iyo MP Suldaan Said Ahmed ayaa ka wadahadlay xaaladda colaadeed ee ka jirta deegaanka Laascaanood iyo sida loo joojin karo daadashada dhiigga shacabka, gargaarka bani’aadminnimo iyo daryeel caafimaadkana deegaanka loo gaarsiin karo miiska wadahadalkana ay dhinacyadu u soo wada-fariisan karaan.

Safiir Tapiola oo kulanka kaddib boggiisa Facebook iyo Instagram soo dhigay war kooban oo ku saabsan waxyaabaha ay MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee Finland u qaabilsan nabadaynta iyo dhexdhexaadinta Geeska Afrika diiradda isla saareen ayaa yiri:

“Wadahadal dhaxalgal ah ayaan Nayroobi kula yeeshay Mudane Suldaan Said Ahmed oo ah Mudane ka tirsan baarlamaanka iyo Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha dhexdhexaadinta iyo nabadda ee Geeska Afrika.

Wax badan ayaan falanqaynay, xaaladda aadka u cakiran ee Laascaanood ayaan si gaar ah u qaadaa-dhignay, xaaladdaas oo u baahan in dhammaan dhinacyadu ay colaadda dib uga joogsadaan miiska wada-xaajoodkana faariistaan, si loo dhammeeyo mashaqada iyo dhimashada dadka ee micno la’aanta ah.

Mudane Suldaan ayaa ahaa welina ah cidda kaliya ee xiriirinaysa hawlaha diblumaasiyeed ee ay beesha caalamku deegaanka ka waddo isagoo dhinacyada oo dhan xiriir wadahadal la leh.”

Marka laga soo tago bayaannada diblumaasiyeed ee ku wajahan dhinacyada ku lugta leh colaadda Laascaanood ee ay soo saarayaan diblumaasiyiinta caalamiga ah, MP Suldaan Said Ahmed ayaa ah diblumaasiga kaliya ee heer caalami ah oo xiriir toos ah la sameeya dhinacyada ay quseyso colaadda Laascaanood.

MP Suldaan, Ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta u qaabilsan Geeska Afrika ayaa haatan ah diblumaasiga kaliya ee si toos ah qaboojinta colaadda ugala hadla hoggaamiyayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo ururada bulshada ee ay colaaladda deegaanku sida tooska ah u taabanayso.