Finland waxaa laga helay maanta 144 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho hor leh ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Isniin 17.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 144 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 90 249 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 2 877 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 41 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 55 qof,  gobolka Kanta-Häme oo laga helay 21 qof, iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  laga helay 15 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 26
Kokkola 15
Espoo 11
Turku 8
Janakkala 8
Vantaa 7
Lahti 7
Riihimäki 6
Oulu 5
Hämeenlinna 5
Järvenpää 4
Tampere 4
Eura 3
Kaarina 3
Kannus 3
Kalajoki 3
Mikkeli 2
Salo 2
Jyväskylä 2
Veteli 2
Kouvola 2
Orimattila 2
Porvoo 2
Pietarsaari 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 132 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  27 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 933 qof, kaddib markii ay ha’aydda THL maanta sheegtay dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 17 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 6 424 oo qof, kuwaasoo 5 265 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 1 132 waa nooca Koonfur-Afrika iyo 2 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 12.05).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 2 110 792 oo qof (17.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 163 897 565 52 086 429
Tirada u dhimatay feyruska 3 396 441 1 108 436

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 730 374 46 836 878
Tirada u dhimatay feyruska  126 652 608 241

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 24,964,925   281 860   4 092  274 411
Baraaziil 15,627,475     36 862       971  435 823
Faransiiska 5, 877,787     13 948         81  107 616
Arjantiin 3,307,285     16 350       269    70 522
Kolombiya 3,118,426     15 093       520    81 300
Iiraan 2,751,166     11 291       303    76 936

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 1,037,126        14 275
63 Denmark 266,503    964         2 502
88 Norwey 119,299    247           774
159 Iceland  6 537    3              29
42 Saudi-Arabia  433,094    825     15     7 162
133 Soomaaliya  14 486               753

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS