MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta oo la kulmay Ergayga IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya Danjire Mohamed Ali Guyo

MP Suldaa iyo Amb. Guyo of IGAD Photp-SSMV

MP Suldaan Said Ahmed iy Danjire Mohamed Ali Guyo ayaa ka wadahadlay arrimaha nabadda, dhaqaalaha, abaaraha iyo guud ahaan siyaasadda Gobolka. Waxaa kale oo ay labada mas’uul ka hadleen taageerada ay dowladda Finland siiso dalalka ku bahoobay Ururka IGAD oo muddooyinkan dambe korortay.

Danjire Mohamed Ali Guyo oo kulanka kaddib la hadlay Shabakadda Warbaahinta Soomaalida Finland (SSMV) ayaa sheegay, in uu MP Suldaan Said Ahmed uga mahadcelinayo sida uu sare ugu qaaday una joogteeyay xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dalalka ku mideysan IGAD iyo dalka Finland.

Danjire Mohamed Ali Guyo ayaa sidoo kale sheegay in doorka uu MP Suldaan Said Ahmed ka qaadanayo arrimaha lagu xallinayo xasaradda ka taagan magaalada Laascaanood uu yahay mid mudan in la booriyo lana taageero.

Danjiraha oo arrinatas ka hadlaya ayaa yiri: – ”Ka IGAD ahaan waxaan MP Suldaan Said Ahmed u xaqiijiyay in aan si buuxda u taageereyno dadaalkiisa ku aaddan dhexdhexaadinta iyo nabadaynta deegaanka Laascaanood iyo guud ahaan goob walba oo Geeska Afrika ah.”

Danjire Mohamed Ali Guyo, Ergayga IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlayay doorka ay Dowladda Finland ka qaadato bari-taageeridda dowladaha ku IGAD ayaa sheegay, in Finland ay kaalin weyn ka qaadato taageero toos ah iyo mid soo marta hay’adaha caalamiga ahna siiso dalalka IGAD. Wuxuu sidoo kale sheegay in Finland ayaa taageero toos ah siiso Ururka IGAD.

Dhinacyada ay dowladda Finland sida weyn uga taageerto dalalka IGAD ayuu Mohamed Ali Guyo sheegay in ay yihiin diblumaasiyadda, siyaasadda, horumarinta, nabadda iyo dib u heshiisiinta iyo arrimaha bani’aadminnimada.

Danjire Mohamed Ali Guyo, Ergayga IGAD u qaabilsan Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Soomaaliya ayaa wasiirka arrimaha dibadda Finland, Pekka Haavisto uga mahadceliyay taageerada waxtarka leh ee uu ka wasiir arrimo dibadeed ahaan la garab-taaganyahay dalalka IGAD.

Danjire Mohamed Ali Guyo ayaa dhanka kale ka hadlay doorka qurbajoogta waxaana uu arrinkaas ka yiri:- ”Waa marag-ma-doonto, in Qurbajoogtu wax weyn ku soo kordhin karaan dalalkii ay u dhasheen. Waxay Qurbajoogtu wax ka beddeli karaan siyaasadda, dhaqaalaha, horumarka bulshada, tacliinta iyo dhammaan arrimaha aasaasiga u ah nolosha shacabka dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan.”

Danjiraha ayaa tusaale u soo qaatay MP Suldaan Said Ahmed, ergayga gaarka ah ee Wasiirka arrimaha dibadda Finland u qaabilsan arrimaha nabadda iyo dhexdhexaadinta.

Waxaan uu yiri:- ”MP Suldaan Said Ahmed oo aan maanta la kulmay ayaa ah mid kamid ah shakhsiyaadka caanka ah ee magaca leh wuxuuna gacan ka geysanayaa nabadda iyo ammaanka Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Waxaan maanta la yeeshay wadahadal mira-dhalay waxaanna aad u ammaanayaa kaalinta Xildhibaannimadiisa ee Baarlamaanka Finland iyo Guddiga baarlamaaniga ah ee uu guddoomiyaha ka yahay ee Geeska Afrika qaabilsan.

Waxaan si gaar ah u soo dhoweynayaa aadna ula dhacay dadaalkiisa ku wajahan xaaladda hadda ka jirta Laascaanood. Waxaan isweydaarsanay fikrado iyo talooyin waxaanna ka IGAD ahaan u ballanqaadnay in aan si buuxda u taageereyno dadaalkiisa wax-ku-oolka ah ee ku wajahan guud ahaan Soomaaliya.”

Ugu dambeyntii wuxuu Danjire Mohamed Ali Guyo sheegay in uu ku faraxsanyahay waxtarka uu MP Suldaan Said Ahmed u leeyahay bulshada Finland iyo Soomaaliya oo uu asal ahaan ka soojeedo.

Danjiraha ayaa sidoo kale ku booriyay Qurbajoogta kale in ay qaadaan tallaabooyin lamid ah kuwa uu MP Suldaan qaaday ee uu uga qaybqaadanayo horumarka bulshada uu ka tirsan ee Finland iyo Geeska Afrika oo uu ka soojeedo.

SSMV