Finland waxaa laga helay maanta 363 qof oo cusub oo qaba feyruska korona

Khamiis 24.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 363 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 34 447 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 67 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolkan Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 201 qof.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota:  Helsinki: 99 qof, Vantaa: 53 qof, Turku: 33 qof, Espoo: 30 qof, Lahti:11 qof, Tampere:11 qof, Salo:7 qof, Oulu: 6 qof, Jyväskylä: 6 qof, Pieksämäki: 5 qof, Kaarina: 4qof, Järvenpää: 4 qof, Kouvola: 4 qof, Kuopio: 4 qof, Raisio: 4 qof, Uusikaupunki:3 qof, Tornio:3 qof, Kotka:3 qof, Nurmijärvi: 3qof, Ylöjärvi :3 qof, Kerava: 3 qof, Joensoo:3 qof iyo inta kale ee soo hartay oo min laba ama hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 258 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 26 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 524 qof.

 

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 24 716 022   79 189 586
 

Tirada u dhimatay feyruska

    535 093      1  740 398

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
  1 Maraykanka 18,9   milyan  232 342    3 401 334 218
  2 Hindiya 10,1   milyan    24 236       302 146 778
  3 Baraaziil 7,36   milyan    46 657       979 189 264
  4 Ruushka 2,93   milyan    27 250       549   52 461
  5 Faransiiska 2,50   milyan    14 929       276   61 978
  6 Ingiriiska 2,14   milyan    39 237       744   69 051
  7 Turkiga 2,08   milyan    19 650       259   18 861
  8 Talyaaniga 1,99   milyan    14 522       533    70 395
  9 Spain 1,84   milyan      9 220       178    49 698
10 Jarmalka 1,58   milyan     31 297       866    29 127
11 Arjantiin 1,56   milyan       8 586         60    42 314
12 Kolombiya 1,54   milyan     14 233       243    41 174
13 Meksiko 1,33   milyan     12 511       897  119 495
14 Poland 1,22   milyan      12 361       472    26 255
15 Iiraan 1,17   milyan        6 261       153    54 156
16 Peru 1,00   milyan       2 110         55    37 273

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS