Finland waxaa laga helay maanta 288 qof oo hor leh oo qaba feyruska korona

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Sabti 01.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 288 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 096 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 463 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 60 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay116 qof,  gobolka  Päijät-Häme oo laga helay 63 qof , gobolka Pirkanmaa oo laga helay 39 qof , iyo gobolka Varsinais-Suomi oo  laga helay 17 qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 55
Lahti 48
Espoo 23
Tampere 20
Oulu 10
Turku 8
Orimattila 8
Salo 7
Jämsä 7
Janakkala 7
Hollola 6
Mäntsälä 5
Porvoo 5
Vantaa 4
Lohja 4
Kirkkonummi 4
Pornainen 4
Vihti 3
Kuopio 3
Vaasa 3
Kangasala 3
Hämeenlinna 3
Hattula 3
Jyväskylä 3
Ylöjärvi 3
Järvenpää 2
Seinäjoki 2
Kotka 2
Hyvinkää 2
Pori 2
Lempäälä 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 126 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  31 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 914 qof. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 27 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 692 571 oo qof (01.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 152 550 679 50 270 069
Tirada u dhimatay feyruska 3 200 56 1 067 943

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 597 346 39 515 140
Tirada u dhimatay feyruska  122 103 520 757

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS