Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 160 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Sabti 17.10.2020 laga helay feyruska korona 160 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 13 293 qof.

Meelaha ugu badan ee ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalada Helsinki iyo gobolka Uusimaa oo laga helay 128 qof oo cusub (Helsinki 72, Espoo 19 iyo Vantaa 18) iyo Vaasa oo laga helay 6 qof oo cusub. Sidoo kale Varsinais-Suomi ayaa iyagana laga helay 8, waxaana ugu badan (Turku 5) oo laga helay qof oo feyruska qaba.

Waaxaha arrimaha bulshada ee magaalooyinka dalkan Finland oo sheegay in ay diyaariyeen caawimaad loogu talaggalay qoysaska aan qaraabo iyo cid kale oo caawisa lahayn ee waalidku uu la xanuunsado feyruska korona

Waaxaha arimaha bulshada ee dalkaan Finland ayaa sheegay in haddii feyruska korona uu ku dhaco waalidka qoyska oo ay xanuunka dartiis isbitaalka u galaan, islamarkaana aanu qoysku heysan cid qaraabo ama saaxiibbo ah oo carruurta u haya inta waalidku xanuunsan yahay, waxaa ay taageero soo weydiisan karaan adeegyada arrimaha bulshada ee magaalada. Arrinka ku saabsan meeleynta ilmaha ee mudada gaaban xanuunka safmarkaan awgiis, waa taageerada tan ugu dambeysa ee loogu talaggalay qoysaska.

Baarlamaanka Finland oo illaa 20 qof ay u nuglaatay feyruska korona

Sida laga soo xigtay xafiiska maamulka baarlamaanka dalkan Finland, illaa iyo 20 ka tirsan shaqaalaha baarlamaanka ayaa u nuglaaday feyruska korona, qaar ka mid ah dadkaas ayaa ah xildhibaanada baarlamaanka.

Madaxa xafiiska baarlamaanka Pertti Rauhio ayaa sheegay in aan wali la caddeyn karin, in dadka feyruska u nuglaaday ay ku jiraan wasiirro iyo in kale. Waxaana dhammaantood la geliyay karantiil.

Xildhibaanka la yiraahdo Tom Packalen (PS) ayaa sheegay khamiistii in laga helay feyruska kororna.

Wasiirrada arrimaha dibadda midowga Yurub oo u nuglaaday feyruska korona

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay ururka midowga yurub oo shir uga socday magaalada Luxemburg ayaa u nuglaaday feyruska korona, kaddib markii wasiiradda arrimaha dibadda ee Belguim Sophie Wilmès laga helay feyruska korona.

Wilmes shalay ayay sheegtay in ay hayaan qaar ka mid ah astaamaha lagu garto feyruska korona, maanta ayaana laga helay oo natiijadu baaritaanku soo baxday, sidaana waxaa sheegay wakalaadaha wararka iyo hay’ado warbaahineed oo kala duwan.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Austariya Alexander Schallenberg oo shirka ka qaybgalay ayaa maanta la xaqiijiyay in isagana laga helay feyruska korona.

Waxaa kaloo shirkaas ka qaybgalay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkan Finland Pekka Haavisto iyo Jutta Urpilainen oo ah xubin u matasha dalkan Finland golaha midowga Yurub.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkan Finland ayaa saaka subaxnimadii barta tiwiiterka ee wasaardda ku soo qortay, in Mr Haavisto muddo 72 saacadood ah shirka kaddib laga qaaday laba goor saamiga lagu baarayo feyruska korona, islamarkaana natiijadu ay noqoto in aan waxba laga helin.

Ra’iisul wasaaraha dalkan Finland ayaa iyaduna Jimcadii ka soo baxday shir ay lahaayeen waddamada Yurub, kaddib markii ay arbacadii la kulantay xildhibaan ka tirsan baaralamka Finland oo laga heley Feyruska. Ra’iisul wasaaraha ayaa karantiilka ku qaadanaysa guriga. Waxaana warbixin ay soo saareen xafiiska maamulka ee golaha dowladda ay sheegeen in baaritaankii ugu horreeyay ee laga qaday uu noqday mid negatiif ah, Isniintana laga qaadi  doono baaritaanka labaad, haddi uu isaguna noqdo neegatiif, markaa waxa ay ka baxaysaa karantiilka.

Wararka guud ee Caalamka iyo feyruska korona

 Dalka Talyaaniga

Magaalada Lombardia ee waqooyiga dalka talyaaniga ayaa lagu soo rogay xayiraado cusub oo kuwii hore ka adag, kaddib markii faafista feyrusku ay si aad u karaar qaadatay.

Waxaa maalintii Jimacaha la xaqiijiyay in ka badan 10.000 oo qof in cudurka laga helay hal maalin kaliya, meelaha ugu daran waxaa ka mid ahaa magaalada Lombardia, waana meeshii ugu horreysay ee qaaradda Yurub ay ka bilaabatay faafista feyrsuka korona bishii Feberaayo ee sannadkan.

Maqaaxiyaha ayaa xayiraad lagu soo rogay, waxaana sidoo kale la mamnuucay in la booqdo dadka waaweyn. Magaalooyinka qaarna iskuullada ayaa la xiray, waxaana dalka talyaaniga oo dhan khasab laga dhigay in dadku ay qaataan afshareerka.

Dalka Ukrain

Dalka Ukrain ayaa xaladda faafista ee feyruska korona ay cirka isku shareertay, kaddib markii laba maalmood oo isku xigta laga helay feyruska tiro kummanaan ah. Maanta oo Sabti ah waxaa laga helay feyruska 6 410 qof, shalay Jimcihiina waxaa laga helay 5 992.

Waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay dalka Ukrain u dhintay feyruska awgiis 109 qof, taasoo ah sida dowladdu sheegtay tiradii ugu badnayd ee hal maalin dhimata, tan iyo intii cudurkan safmarka ah uu ka bilowday adduunka.

Dalka Ukrain waxaa uu cudurku ku dhacay 293 641 qof, waxaana u dhintay 5 517. Xayiraadaha lagu soo rogay dalka ayay dowladdu go’aamisay in la sii wado illaa iyo dhammaadka sannadkan.

Dalka Faransiiska

Dalka Faransiiska dhammaanba magaalooyinka waaweyn oo gaaraya illaa iyo 12 magaalo, ayaa la geliyay xaalad degdeg ah oo caafimaadka awgiis ah, taasoo ah bandow ballaaran oo ka hirgalaya dhammanba magaalooyinkaas. Bandowga ayaa ka bilaabanaya habeenkii 09.00 fiidnimo wuxuuna ku egyahay 06.00 subaxnimo. Waxaana uu socon doonaa muddo bil ah.

Dalka Faransiiska waxaa jimcihii laga xaqiijiyay in ka badan 25 000 oo qof oo cusub oo laga helay feyruka korona.

Dalka Belgium

Laga bilaabo Isniinta soo socota waxaa dalka Belgium albaabada loo laabi doonaa dhammaanba maqaaxiyaha yaryar ee qaxwaha iyo baararka waaweynba muddo afar toddobaad ah, si looga hortago faafista feyruska. Magaalada caasimadda ah ee Brysselis ayaa hore loogu soo rogay xayiraado aad u waaweyn, haseyeeshee toddobaadka soo socda ayaa magaalooyinka dalka oo dhan la gaarsiin doonaa.

Dalka Belgium waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay feyruska tiro gaareysa 10 192 qof, taasoo tirada guud ee dadka laga helay ka dhigaysa 202 151 qof. Waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u dhintay cudurka awgiis 32 qof, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 10 359.

Xaaladda dalka Belgium ee feyruska korona ayaa meel adag maraysa, marka tirada dadka uu ku dhacay iyo tan ka dhimatay loo barbardhigo tirada guud ee dadweynaha dalka Belgium  oo ah 11.6 milyan.

Dalka Ingiriiska

Waxaa laga diiwaangeliyay shalay oo kaliya 15 630 oo qof oo cusub oo uu ku dhacay feyruska korona, iyo dhimasho gaareysa 136 qof. Waxaana laga mamnuucay in dadku ay kooxo ahaan isu dhexgalaan.

Dalka Jarmalka

Haweeneyda hogaamiyaha ka ah dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa qaylodhaan u dirtay shacabkeeda, waxaana ay ka codsatay in ay joojiyaan isutagga iyo kulamada dadka dhexdooda ah, iyo sidoo kale in intii suurtaggal ah ay ka joogaan safarrada. Qaylodhaantaan ayay Angela Merkel soo gudbisay, kaddib markii xukuumadda federaalka ee Jarmalka iyo maamul goboleedyada kale ay gaari waayeen xal loo dhan yahay oo ku saabsan qaababkii looga hortagi lahaa mowjadda labaad ee feyruska korona ee Yurub ku dhufatay.

Machadka ka hortagga cudurrada faafa ee Robert Koch ayaa sheegay in maanta laga helay feyruska korona dalkasasi jarmalka tiro gaaraysa 7 830 qof oo cusub.

Shiinaha oo bilaabay tijaabinta tallaal looga hortagaayo cudurka safmarka ah ee COVId 19

Dalka Shiinaha ayaa sheegay in maanta ay bilaabeen tallaal looga soo horjeedo feyruskan cusub ee COVID 19 ama korona. Waxaana qiimaha tallalkaas uu suuqa ka joogaa 60 doollar.

Magaalada Qingdao ee bariga Shiinaha ayaa bilowday tallaalkan cusub oo la yiraahdo Sinovac, kaasoo ku jira heerkii tijaabada, waxaana la siin doonaa shaqaalaha asaasiga ee ah ee dowladda iyo kuwo khatarta ugu jira in ay qaadaan feyruska ee ka shaqeeya xarumaha caafimaadka iyo goobaha kale ee shaqada ee u nugul khatarta cudurrada faafa.

Tallaalkaan cusub ayaa galay heerkiisii ugu dambeeyay ee tijaabada ee dalalka Shiinaha, Baraaziil, Indoniisiya iyo Turkiga. Waxaana ay sheegtay shirkadda Sinovac in faallo ku saabsan natiijadii baaritaannadaas la soo gudbin doono bishan November.

Xigasho: YLE,HS,ALJAZEERA