Xildhibaan ku jira baaramaanka Finland oo ku jeesjeesay George Floyd oo ay booliska Maraykanku dileen.

Sawirka Baarlamaanka Finland. Photo: Wikipedia

Xildhiban Ano Turtiainen oo baarlamaanka Finland ku metala Xisbiga Perussuomalaiset ee midigta u janjeera dadka soogalootiga ahna ka soo horjeeda ayaa wuxuu bartiisa Twitter:ka soo dhigay farriin kooban oo uu ku laray sawir muujinaya boolis kabo buud ah dhulka kula riixaya nin madow oo sawirkiisa lagu xardhay midab casaan ah, sawirkaas oo oo hoostiisa lagu qoray Pink Floyd.

Falkan uu xildhibaankan ku dhaqaaqay ayaa waxaa si adag uga falceliyay xittaa xubno ka tirsan xisbigiisa, taas oo markii dambe ku riixday in uu qoraalkan laga qayliyay ka saaro bartiisa Tiwitter:ka.
Farriinta Turtiainen ayaa sidan u qornayd: ”Miyaad dareenteen in markasta oo loo dhowaado soonaha nololwanaagga ”sinnaanta”, ay meelahaas ku badan yihiin rabshaduhu”

Guddoomiyaha xildhibaannada Xisbiga Perussuomalaiset Ville Tavio ayaa falka xildhibaan Turtiainen ku sifeeyay mid liita oo afxumo wata. Dilka Floyd ayaa sababay dibadbaxyo rabshadaysan oo ka dhacay weliba ka socda qaybo badan oo Mareykanka ka tirsan

Ville ayaa sidoo kale sheegay in khamiista ku beeggan 4.5.2020 ay ka baaraandegayaan falkan foosha xun ee uu xildhibaankan sameeyay. Ciqaab ahaan waxaa laga yaabaa in xildhibaankan la canaanto, digniin la siiyo ama laga saaro kooxda xildhibaannada Xisbiga ee Barlamaanka.

Xildhibaankan ayaa horay sidan oo kale u aflagaadeeyay dad uu ku jiray sarkaal ka tirsaa booliska Finland.

Xildhibaan Turtiainen waa nin baayacmushtar ah uxuuna horay u soo ahaan jiray dadka miisaanka culus qaada.
Waxaa kale oo uu Yle soo wariyay in shirkadda Turtiainen ay Xarunta ELY ka heshay kaalmo lacageed oo dhan 70800 oo lacagta Yuurada ah. Kaalmadaas oo qayb ka ah taageero lacageed oo haatan la siinayo shirkadaha uu halakeeyay safmarka Korona.


Xigasho: Yle