Xildhibaan Hon. Mohamed Ibrahim Moalimuu oo Helsinki kula kulmay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto iyo xildhibaanad Eveliina Heinäluoma

Photo SSMV

Helsinki, Finland:- Kulan aad loo soo agaasimay oo u dhexeeyay xildhibaan Mohamed Ibrahim Moalimuu iyo wasiirka arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto ayaa ka dhacay qaybta ay xukuumadda Finland ku leedahay Xarunta baarlamaanka dalka.

Soo dhoweyn kaddib ayuu xildhibaan Moalimuu wasiirka u sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dagaalka looga soo horjeedo argagixisada, kaas oo meel fiican maraya.

Pekka Haavisto oo ka hadlayay iskaashiga dhinaca horumarka iyo wadashaqeynta dowladda Finland iyo Soomaaliya ayaa sheegay, in dolwad cusub oo dhanka midig u janjeerta loo soo dhisayo Finland, sidaas darteedna aan la sii saadaalin karin waxa imaan kara iyo sida ay noqonayso taageerada ay Finland siin doonto Soomaaliya iyo xiriirka iskaashi ee dhexmari doona.

Wasiir Pekka ayaa dhanka sheegay, in marka uu siyaasi ahaan u hadlo uu arkayo caqabado ku soo wajahan kaalmooyinka dhaqaale iyo horumarineed ee ay dowladda Finland siin jirtay Soomaaliya.

Xildhibaan Moalimuu oo siyaasadda kahor ahaa suxufi magac leh iyo hoggaamiyaha Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa xusay muhiimadda ay lahayd welina leedahay hawsha dhanka horumarinta warbaahinta iyo xorriyadda saxaafadda ee ay Muasasada VIKES (Finnish Foundation for media and development) ka qabato Soomaaliya.

Xildhibaan Moalimuu ayaa sidoo kale kulanka ka sheegay in ka sokow dagaalka ciidan ee lagula jiro argagixisada uu baarlamaanka Soomaaliya meel mariyay shuruuc meesha looga saarayo saamaynta dhaqaale ee argixisada waxaana illaa iyo hadda la xiray sida uu xildhibaan Moalimuu sheegay 276 akoon oo si toos ah ama dadban qayb uga ahaa qulqulka lacageed ee argagixisada.

Dadaalka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada ayaa gaaray heer gobol kaddib markii uu mdaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ka shaqeeyay in dalalka loo yaqaan safka hore ee Soomaaliya ood-iyo-dan-wadaagta la ah ay ku biiraan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto argagixisada caalamiga ah.

Xildhibaan Moalimuu oo ka hadlayayay doorka ay qurbajoogta Soomaaliyeed gaar ahaan tan Finland ku leedahay soo kabashada dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay, in Soomaalida Finland ay si weyn uga muuqato tusaale ahaan dhinaca waxbarashada, nabadda, caafimaadka, tayaynta iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo adeegyada bulshada.

Xildhibaan Moalimuu ayaa ugu dambeyntii dowladda Finland kula booriyay, in ay wadashaqeyn toos ah oo aan la soo marin Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa iyo hayadaha kale la yeelato Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yiri ”Muhiimaddu ma ahan lacag toos loo siiyo Soomaaliya ee waxaa la dhisi karaa tayada hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya iyadoo aqoonta iyo khibradda Soomaalida Finland laga faa’iidaysanayo.”

MP Mohamed Ibrahim Moalimuu ayaa ugu dambeyntii ka hadlay dhibaatooyinka ka dhashay kana dhalan kara fatahaadda webiga Shabeelle ee haatan ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa sheegay ka sokow gurmadka degdegga ah ee goobahaas looga baahanyahay, aan laga maarmin in mushkiladdan uu isbeddelka cimiladu qaybta ka yahay loo helo xal waara.

Photo SSMV

Photo SSMV

Dhanka kale xildhibaanad Eveliina Heinäluoma oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Finland ee xisbiga Sooshal Dimuquraadiga ayaa iyaduna ku soo dhoweysay Xildhibaan Moalimuu baarlamaanka Finland waxayna ku soo wareejisay qaybaha uu baarlamaanka Finland ka koobanyahay. Waxaa kale oo a ay Eveliina Heinäluoma Xildhibaan Moalimuu u sharraxday qaab uu baarlamaankoodu u shaqeeyo iyo sida loo jaangooyo siyaasadda dalka Finland.

SSMV