Buugaag casri ah oo laga baranayo afka-soomaaliga oo Jaamcadda Helsinki lagu soo bandhigay iyo qoraaga buugaagta, barbaariso iyo qoraa Nimco Noor oo madasha ka hadashay

Madashan oo la qabtay 27.4.2023 ayaa waxaa gundhig u ahaa madbacadda Ileys iyo buugaagta casriga ah ee afka Soomaaliga laga baran karo ee ay qortay Barbaariso Nimco Noor.

Nimco Noor

Bandhigan buugaagta casriga ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay macallimiinta wax ka dhiga heerarka kala duwan ee dugsiyada dalka Finland, macallimiin jaamacadeed, cilimbaarayaal, aqoonyahanno tacliinta iyo dhaqamada ku takhasusay, arday wax ka barata jaamacadaha dalka Finland iyo dad ka socday ururada iyo hay’adaha horkaca mudnaan siinta dhaqamada kala duwan.

Waxaa kale oo madasha ka soo qaybgalay macallimiinta afka Soomaaliga ka dhigaya dugsiyada Finland. Waxaa xusid mudan in ardayda afkooda hooyo uu Soomaali yahay ay xaq u leeyihiin in ay dugsiyada Finland ku bartaan afkooda hooyo.

Afyaqaan Borofasoor Cabdalla Mansuur iyo wasiirri hore oo hoggaanka waxbarashada Soomaaliya soo qabtay iyo lataliyayaal sarsare ayaa sidoo kale madasha uga qaybgalay dhanka arag-maqalka.

Barbaariso Nimco Noor ayaa ugu horreyn ka warbixisay marxaladaha ay soo martay qorista buugaagtan casri ah oo dunida dijitaalka ah la jaanqaadi kara.

Madasha buugaagta lagu soo bandhigayay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Macallimiin ka kala socday Jaamacadaha ugu waaweyn dalka Finland, sida jaamacadda Helsinki iyo Jaamacadda Lapland.

SSMV