Xarunta dukaamada Itäkeskus oo soo saartay amarka ah in la qaato afshareerka inta la joogo xarunta dhexdeeda

Isniin 01.03.2021. Maamaulka suuqa weyn ee ganacsiga Itäkeskus ayaa soo saaray amarka ah in qof walba oo xarunta imaanaaya ay khasab ku tahay in uu qaato afshareerka inta uu joogo xarunta dhexdeeda, sidaana waxaa maamulku ku sheegay war uu ku soo daabacay boggooda internetka ee suuqa.

 

Madaxa xarunta dukaamada Christofer Jansen ayaa sheegay in go’aankaan ay iyagu iskood u gaareen, kaddib markii ay mas’uuliyiinta dowladdu ku dhici waayeen ama afkooda ka gaabsadeen ereyga ah khasabka.

Xarunta dukaamada ayaa shaqo gelisay waardiyayaal dheeraad ah, kuwaasoo afshareer lacag la’aan ah siinaya qofkii aan wadan ama soo illaaway oo ka mid ah macaamiisha xarunta imaanaysa. Waxaana dadka imaanaya khasab ku ah in ay qaataan afshareerka, haddii uusan wadana waa la siinayaa, waxaa kaliya oo laga soo reebay amarkaas dadka aan iyagu sababo caafimaad oo dhab ah oo jira awgeed u qaadan karin afshareerka.  Maamulka xarunta ayaa ku tilmaamay arrinkaan inuuu yahay mid dhib badan oo aad u adag.

Xarunta Itäkeksus waxaa hore uga jiray talosoojeedin ku saabsan isticmaalka afshareerka. 25-30% dadka yimaada xarunta ma isticmaali jirin afshareerka. Waxaana maamulku uu sheegay in tallaabadaan ay qaadeen ee ah in khasab laga dhigo afshareerka ay tahay mid ay uga dan leeyihiin, sidii xaruntu ay u noqon lahayd goob aammin u ah macaamiisha iyo ganacsatadaba.

Xigasho:HS