Xannaano carruureed ku taalla magaalada Rovaniemi ayaa la xirey si looga hortago faafitaanka korona feyrus

Espoo 12.7.2020- Xannaanada carruurta Poropolku ee ku taalla magaalada Rovanimei ayaa la xirey kaddib markii laga helay xanuunka safmarka ah ee korona feyrus, waxaana arrinkaas sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka magaalada Rovaniemi.

Tiro gaaraysa illaa iyo 30 carruur ah oo xannaada joogay ayaa la geliyay karantiil, horena waxaa karantiil midkaa la mid ah loo geliyay 35 qof oo isugu jirey carruurta iyo shaqaalaha xannaanada. Dhammaanba dadkii soo booqday xannaanada wixii ka dambeeyay 3 bishaan Luulyo ayaa la geliyay karantiilkaa. Waxaana ay xannaanadu xirnaan doontaa inta u dhexeysa 13-27 bishan Luulyo.

Duqa magaalada Rovaniemi Ulla-Kirsikka Vainio oo arrinkaas ka hadlaysay ayaa tiri: ” Waa waajib na saaran in aan ka taxaddarno amaanka caafimaadka ee bulshada ku dhaqan Rovaniemi iyo shaqaalaheennaba. Waana sababtaas midda aan u qaadannay go’aanka ah inaan xirno xannaanada carruurta ee Poropolku, waana tallaabo ka hortag ahaan loo qaatay”.

Waxaa jirta cabsi aad u fara badan oo adduunku ka qabo in mawjad labaad oo feyruska korona ah ay billaabato, iyadoo ay jirto in wali waddamada qaarkood ay la tacaalayaan mawjaddii hore inkastoo dalalka intooda badan ay haatan ka soo kabteen, kaddib markii uu yaraaday feyruska korona iyo ku dhex faafistiisii bulshada.

Sawirka: Magaalada Ravaniemi

Abdirizak Sugulle