Tiradii ugu badnayd ee feyruska korona oo Sabtidii (16.8.2020) laga diiwaageliyay caalamka oo dhan

Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxaa maalinkii Sabtida adduunka oo dhan laga xaqiijiyay tiradii ugu badneyd ee laga helo feyruska korona, iyadoo sida ay hay’addu sheegtay la helay 294 000 xaaladood oo feyruska korona ah.

Telefishinka CNN ayaa sheegay in tiradan ayaa ka dhigan tiradii ugu badneyd ee muddo afar iyo labaatan saacadood gudahood ah laga helo feyruska korona, tan iyo markii uu caalamka ka dillaacay feyruskan safmarka ah ee korona.

Dhammaadkii bishii hore ee Luulyo ayaa la sheegay in tiradii ugu badneyd hal maalin laga helay feyruska korona, taasoo gaareysay 292 500 oo xaaladood oo feyruska korona ah.

Sida ay WHO sheegtay maalintii Sabtida aheyd waxaa caalamka oo dhan u dhintay feyruska korona awgiis tiro gaareysa 10 000 oo qof.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo qortay Jaamacadda Maraykanka ee Johns Hopkins oo dabaggal ku sameysa xaaladaha feyruska korona, tirada illaa iyo imminka uu adduunka oo dhan ku dhacay feyruska korona waxaa ay gaareysaa 21 milyan oo qof, halka dhimashaduna ay mareyso 768 000 oo qof.

Warbixintan kooban waxa qalinka u qaatay: Ustaad Abdirizak Sugulle