Xaladdii ugu dambaysay ee Korona iyo Somaaliya

Sabti 13.03.2021. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in feyruska korona laga helay 126 qof  afartan iyo sideedii saac ee la soo dhaafay, halka 11 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis (Banaadir 9 qof, Hirshabeele iyo Koonfur-Galbeedna min hal qof), waxaana sida wasaaraddu ay sheegtay ka bogsaday 29 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Banaadir (47), Somaliland (65),iyo Juba-Land (4), Hirshabeelle (8), Galmudug (2). Bukaannada xanuunka la ildaran 82 ka mid ah waa lab, halka 44-ka kalena ay yihiin dheddig.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 8 946, waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 4 108 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 349 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee ay soo gudbinayaan khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho