Baarlamaanka Finland oo ansixiyay sharciga qasabka ah ee kalkaaliyayaasha – Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo kamid noqday xildhibaannada sharcigan ka soo horjeestay

Waxaa maanta oo ku beegan 19.9.2022 ay Finland u tahay maalin dad badan ay xusuusan doonaa, kaddib markii uu Baarlamaanka Finland ansixiyay sharci dood badan dhaliyay oo liddi ku ah shaqaalaha daryeelka caafimaadka ka shaqeeya.

Sharcigan ayaa meesha ka saaraya, in ay ururada shaqaaluhu ay shaqo-joojin sameeyaan. Sidoo kale sharcigan ayaa ku qasbaya shaqaalaha daryeelka caafimaadka ka shaqeeya, in ay shaqeeyaan, xittaa haddii aanay oggoleyn.

Xildhibaan MP Suldaan Said Ahmed oo uu xisbigiisu xukuumadda ka mid yahay ayaa sharcigan si weyn uga soo horjeestay.

MP Suldaan Said Ahmed oo durbadii ay codbixintu dhammaatay bartiisa Facebook soo dhigay farriin uu dareenkiisa ku cabbirayo ayaa yiri: – ”Waan ka qalbijabay xukuumadda. Sharciga qasabka ah ah ee hadda la ansixiyay oo aan anigu ka soo horjeestay ma ahan mid caddaalad ah. Yaraanta shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee jirtaahi ma ahan mid shaqo ku qasbid lagu xallin karo ee waxaa lagu xallin karaa mushaar-kordhin, qaddarin iyo xaaladaha shaqada oo la hagaajiyo.

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay, in qaar badan oo qoykiisa ka tirsan ay ka shaqeeyaan daryeelka caafimaadka. Waxaan sheedda kala socday sida ay xaaladda mihnadda daryeelka caafimaadku u adagtahay. Shaqadu waa mid culus mushaarkuna ma ahan mid ku habboon shaqada.

Waxaan si buuxda u taageersanahay dalabka kalkaaliyayaasha ee ah in mushaar fiican la siiyo. Kalkaaliyayaal badan ayaa safka hore uga jiray dagaalkii ka dhanka ahaa Koronaha iyagoo jirran daal iyo dhacsaalna kulansaday”

Xildhibaan Suldaan Said Ahmed ayaa ugu dambeyn sheegay, in qiimo kasta oo ay ugu kacdaba aanu taageeri karin sharciga maanta la ansixiyay ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka ku qasbaya, in ay qasab ku shaqeeyaan.

Xildhibaan Suldaan/mudaaharaadka shaqaalaha caafimaadka/Photo Suldaan

Si kastaba ha ahaatee, Go’aanka xildhibaanka Suldaan Said Ahmed ayaa ka dhigan in uu ka dhabeeyay hadalkiisi hore ee uu ku sheegay, in uu taageersan yahay shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee xuquuqdooda u doodaya.

SSMV