Xadaymihii lagu soo rogay gobolka Uusimaa oo wax laga khafiifiyay

Maamul goboleedka koonfur-galbeed (avi) ayaa go’aan ku gaaray 24.5 2021 in xadaymihii hore uga jiray gobolka la khafiifiyo illaa iyo bartamaha bisha Lixaad ee sannadkan.

Go’aannadaas waxaa ay khuseeyaan gobollada Helsinki iyo Uusimaa, Kanta-Häme, Kymenlaakso iyo Päijät-Häme.

Avi waxaa ay go’aan ku gaartay sida soo socota:

  • Nawaaxiga magaalooyinka Hanko, Karkkila, Lohja iyo Raasepori: inta u dhexeysa 25-31.5 waxaa munaasabadaha gudaha ka dhacaya isugu imaan kara ugu badnaan 20 qof, kuwa bannaanka ka dhacayaana ugu badnaan 50 qof. Inta u dhexeysa 1.-15.6 waxaa munaasabadaha bannaanka isugu imaan kara ugu badnaan 50 qof.

 

  • Magaalooyinka kale ee ka tirsan waaxda caafimaadka ee Helsinki iyo Uusimaa: Inta u dhexeysa 25.-31.5 waxaa munaasabadaha gudaha iyo dibaddaba isugu imaan kara ugu badnaan 10 qof. Laga bilaabo 1.-15.6 waxaa munaasabadaha gudaha iyo dibadda isugu imaan kara ugu badnaan 50 qof.

 

  • Waaxda caafimaadka Päijät-Häme iyo nawaaxigeeda waxaa inta u dhexeysa 1.-15.6 munaasbadaha gudaha iyo dibadda isugu imaan kara ugu badnaan 10 qof.

 

  • Waaxda caafimaadka Kanta-Häme iyo nawaaxigeeda waxaa illaa iyo 15.6 munaasbadaha gudaha iyo dibadda isugu imaan kara ugu badnaan 10 qof.

 

  • Waaxda caafimaadka ee Kymenlaakso illaa iyo 15.6 waxaa ka sii soconaya xayiradaahada haatan ka jira, kuwaasoo ahaa ugu badnaan 20 qof in ay isugu imaan karaan munaasabadaha gudha iyo dibaddaba.

Waxaa intaas dheer in maamul goboleedka koonfurta Finland ee avi  ay soo saartay, in dadka hawlaha haya ee mas’uulka ah ay ku dadaalaan kala fogaanshaha dadka goobta imaanayaa iyo isticmalka afshareerka.

Xigasho:YLE, HS