Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland oo maanta la soo saarin tirada dadka laga helay feyruska, cillad farsamo awgeed.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa maanta boggeeda Tiwiterka ku shaacisay, in diiwaangelintii tirada dadka laga helo feyruska korona ee maalinlaha ahayd aysan maanta suurtaggal ahayn, cillado xagga farsamada ah awgood. Sababtaas awgeedna ayaan hay’addu maanta u soo gudbin karin warbixinta la xiriirta faafista feyruska. Waxaa haatan la wadaa wax ka qabashada cilladaas farsamo, waxaana tirooyinkii ugu dambeeyay ee faafista feyruska la soo gudbin doonaa ugu dambayn Isniinta.

Finland oo laga cabsi qabo in cudurka feyruska uu ku faafo xayawaanka Minkiga

Wasiirka degaanka iyo hawada ee Finland Krista Mikkonen ayaa sheegtay in dalkaan Finland gudihiisa ay dhici karto in xanuunka feyruska korona uu ku faafo xayawaanka minkiga ee dhogor ahaanta loo tabcado. Waxaana wasiirku ay sheegtay in arrinkaas uu yahay mid aad khatar u ah, Maanta ayay arrinkaas ayuu ku soo qoray boggeeda  tiwiiterka.

Hay’adda qaabilsan arrimaha degaanka ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto baaritaan ballaaran oo ku saabsan xaaladda xayawaanka minkiga ee dalkaan Finland iyo feyruska korona.

Cabsida laga qabo arrinka ah in feyrusku uu ku faafo xayawaanka minkga ee dalkaan Finland ayaa aad u sii korodhay, kaddib markii la xaqiijiyay in shaqalaaha xeryahaas ka shaqeeya oo intooda badan laga keeno dalka Ukrain uu ku dhacay feyruska korona, haatan ay ku jiraan karantiil iyo go’dominba.

Lix dal oo ka tirsan adduunka ayaa illaa iyo haatan la xaqiijiyay in feyruska korona uu ku faafay xeryaha lagu hayo xayawaanka minkiga, sidaasna waxaa sheegtay hay’adda caafimaadka adduuka ee WHO. Waddamada arrinkaas laga xaqiijiyay waxaa ay kala yihiin Denmark, Iswidhen, Holland, Isbeyn, Talyaaniga iyo Maraykanka.

Dalka Denmark ayaa xadidaado adag ku soo rogay dhinaca waqooyi ee dalka,  kaddib markii la xaqiijiyay in feyruska korona oo nooc cusub u xuubsiibtay uu ka soo faafay dhanka xayawaanka minkiga una gudbay illaa iyo 12 qof. Waxaana dalka Denmark uu gowracay dhammaan minkigii ay dhaqanayeen oo gaarayay 15-17 milyan oo xabo.

Dalka Ingiriiska ayaa maanta soo saaray go’aan lagu joojinaayo in dadka ajaanibta ah ee ka imaanaya dalka Denmark aanay soo geli karin dalkeeda. Dadka reer Ingiriis ee musaafiriinta ah iyo kuwa ku nool Denmark way soo geli karaan dalka, laakiin waxaa ay geli doonaan karantiil laba toddobaad ah.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

11 667 734 49 322 827
 

 

Tirada u dhimatay feyruska

288 257 1 242 158

 

Haatana shaxda muujineysa dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 10 milyan 132 540   1 248 242 230
2 Hindiya 8,46 milyan    49 851      576 125 605
3 Baraaziil 5,63 milyan    18 247      256 162 035
4 Ruushka 1,73  milyan    20 582      378    29 887
5 Faransiiska 1,66 milyan    60 486      828    39 865
6 Spain 1,38  milyan    22 516      347    38 833
7 Arjantiin 1,22 milyan     11 786      370    33 136
8 Ingiriiska 1,14 milyan     23 287      355    48 475
9 Kolombiya 1,12 milyan        9 756      196    32 405

 

Xigasho: YLE, HS,Worldmeters.info