Ablikeeshinka sida aadka ah loo sugaayay ee raadraaca feyruska korona, kaasoo loo bixiyay magaca ah ”Koronavilkku”oo soo baxaya Isiinta 31.8.

Ablikeeshinka sida aadka ah loo sugaayay ee raadraaca feyruska korona, kaasoo loo bixiyay magaca ah ”Koronavilkku”oo soo baxaya Isiinta 31.8.

 Ablikeeshin (sovellus) cusub oo loogu talaggalay raadraaca faafista cudurka korona ayaa Isniinta soo socota 31.8 ka hirgeli doona dalkaan Finland. Ablikeeshinkaas oo ku shaqeyn doonaa telefoonada farsamada sare leh ee loo yaqaan “Älypuhelimet”, ayaa Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa ay warbaahinta u soo bandhigtay horraantii bishaan.

Sida ay hay’addu sheegtay soo degsashada barnaamijkaas cusub waa mid lacag la’aan ah. Isticmaalkiisuna waa mid aan khasab ahayn oo qofku uu si iskiis ah u qaadan karo.

Ujeedada loo dejiyay ablikeeshinkaan waa sidii ay u fududaan lahayd helitaanka dadka u nuglaaday feyruska korona (altistunut), taasoo loola jeedo dadka ay suurtaggalka tahay in ay la kulmeen qof laga helay feyruska korona. Waxaana sida ay hay’addu sheegtay ablikeeshinkaan ujeedadiisu tahay sidii loogu dadaali lahaa xakamaynta faafista mawjadda labaad ee feruska korana.

Shaqada gacanta laga halayo ee raadraaca dadka u nuglaaday feyruska korona sideedii ayay u sii socon doontaa. Waaxana ablikeeshinkaan oo loo bixiyay magaca ah “Koronavilku” uu qeyb weyn ka qaadan doonaa ka hortagga xanuunkaan safmarka ah.

Ablikeeshinkaan telefoonka gacanta ku jira waxaa uu faa’iido badan leeyahay, xaaladda ah marka uu qofku agjoogay dad uusan garanaynin. Xaaladahaas oo kale waxaa ka mid ah marka la saaran yahay gaadiidka guud ee dadweynuhu raacaan iyo goobaha waxbarashada, sidaasna waxaa sheegay madaxa maamulka warbixita ee THL Aleksi Yrttiaho.

Ablikeeshinkaan waa mid si iskiis ah uu qofku u soo degsan karo, waxaana hay’adda THL ay rajaynaysaa in dad badan ay telefoonkooda gacanta ku soo degsan doonaan abilkeeshinkaan. Hadafka la tiigsanaayo waa bisha September in ay tiro lagu qiyaasay hal milyan oo qof ku soo degsan doonaan telefoonkooda.

Ablikeeshinku wuxuu uruuruin doonaa macluumaadka abilkeeshinka ee telefoonada dadka kale ee isticmaalaya abilkeeshinkaas, kuwaasoo qofka wata telefoonka ablikeeshinku ku jiro uu muddo 15 daqiiqo gudaheed ah meel la joogay, iyadoo ay isu jireen masaafo dhan 15 daqiiqo. Waana xadka loogu talaggalay u dayacnaanta feyruska korona.

Haddii intaa kaddib qof ka mid ah dadkaas laga helo feyruska korona, waxaa uu ku sheegi karaa dhanka ablikeeshinka (lamana ogaanaayo qofka macluumaadkiisa u gaarka ah). Waxaana markaa dadkii la joogay xilligiii saddexda toddobaad ee la soo dhaafay iyo kuwa u nuglaaday feyruska korona, ay warbixinta arrinkaas ku helayaan telefoonkooda.

Marka ay qofka u soo dhacdo farriinta ah in uu u nuglaaday feyruska, qofka isaga ayaa go’aan ka gaaraya wixii tallaabo ah ee intaa ka dambeeya ee uu qaadaayo. Waxaase haboon oo loo soo jeedinayaa qofka in uu la xiriiro hay’adaha daryeelka caafimaadka, si uu talosiin dheeraad ah u helo. Ma jiro wax ilaalin  ama dabaggal ah  oo uu abilkeeshinka ama qof hawlwadeenka dawladda ah ku sameynaayo, qofka u soo dhacday  farriinta u daycnaanta feyruska .

Ablikeeshinku ma ahan mid uruurinaaya macluumaadka khaaska ah ee qofka ama goobta uu joogo. Sidoo kale xaaladaha qofka laga helo feyruska korona ama qofka u nuglaaday feyruska toonna, ablikeeshinku uma diraayo hawlwadeennada dawladda iyo dadka kale ee isticmaalaya abilkeeshinkaanba, wax macluumaad la garan karo oo ku saabsan qoka ablikeeshinka isticmaalaya.

Ammaanka ablikeeshinkan waxaa qiimeyn ku sameysay xarunta ammaanka macluumaadka ee loo yaqaan (Kyberturvallisuuskeskus) saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay. Waxaana qiimeynta ammaanka ablikeeshinkaas la sameeyay xafiiska wakiilka ilaalinta macluumaadka.

Xigasho: Yle uuitset / Mtv uutiset