Baaritaankii ugu horreeyay ee dalkaan Finland laga qaado dadka aan iyagu lahayn wax astaamaha cudurka korona oo ka bilowday magaalada Turku

Kuva- SSMV

Magaalada Turku iyo waaxda caafimaadka ee Varsinais-Suomi ayaa waxaa ay u qabanqaabiyeen dadka deggan xaafadda Varissuo ee magaalada Turku, baaritaanka feyruska korona ee dhakhsaha ah. Baaritaankaas oo loogu talaggalay in laga qaado dadka aan iyagu lahayn wax astaamaha feyruska korona, waana kii ugu horreeay ee noociisa ah oo dalkaan Finland laga qabanqaabiyo.

Baaritaanka waxaa geli kara qof kasta, iyadoo uusan u baahnayn ballan hore ama in meel kale laga soo diro. Waxaana natiijada baaritaanku ay diyaar ku noqonaysaa 15-30 daqiiqo.

Dowladda Finland ayaa waxaa soo gaaray 250 000 oo baaritaanka dhakhsaha ah, kaasoo ka qayb ah barnaamijka deeqda arrimaha degdegga ah ee ururka midowga Yurub. Baaritaanka dhakhsaha ah waa mid la mid ah, midkii hore looga isticmaalay xadka waqooyiga Finland. Waxyaabhihii khibrad ahaan laga dhaxlay baaritaankaasna, waxaa ay ahaayeen kuwo dhiirrigelin leh.

Xaafadda Varissuo ayaa intii lagu guda jiray xilliga cudurkan safmarka ah ee feyruska korona, waxaa ay ahayd meesha ugu badan ee faafista cudurku ka jirtay magaalada Turku, sababtaas awgeed ayaana loogu doortay in ay noqoto goobta laga hirgelinaayo barnaamijkaan, si loo yareeyo khatarta faafista cudurka ee xaafaddaas iyo nawaaxigeeda.

Xigasho: YLE