Xaaldihii ugu dambeeyay ee feyruska Korona iyo Somaaliya

Jimco 09.04.2021. Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in afartan iyo siddeedii saac ee la soo dhaafay feyruska korona laga helay 293 qof,  halka 29 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis, waxaana sida wasaaraddau ay sheegtay ka bogsaday xanuunka 41 ruux.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, Somaliland (103), Galmudug (11), Banaadir (17), Puntland (94) Hirshabeelle (22) Koonfur-galbeed (5), iyo Juba-Land (41).  Bukaannada xanuunka la ildaran 188 ka mid ah waa lab, halka 105da kalena ay yihiin dheddig.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 12 271 waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 5 129 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 605 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee ay soo gudbinayaan khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, waxaana Dr Fowsia ay ku baraarujisay bulshada in ay qaataan tallaalka ka hortagga caabuqa COVID-19 oo haatan si habsami leh uga socda gudaha dalka.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho