Xaaladihi ugu dambeeyay ee Soomaliya iyo feyruska korona

Arbaco 24.03.2021. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in afartan iyo siddeedii saac ee la soo dhaafay feyruska korona laga helay 162 qof,  halka 219 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis(Puntland: 10 qof, Somaliland: 2 qof, Banaadir: 1 qof, Koonfur-galbeed: 2 qof, Jubbaland: 1 qof), waxaana sida wasaaraddau ay sheegtay ka bogsaday xanuunka 41 ruux.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuurayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Somaliland (96), Galmudug (3) , Banaadir (12), Puntland (26) Hirshabeelle (16) iyo Juba-Land (9).  Bukaannada xanuunka la ildaran 85 ka mid ah waa lab, halka 77da kalena ay yihiin dheddig.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 10 531 waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 4 605 qof. Tirada dhimashada guud ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 463 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee ay soo gudbinayaan khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho