Xaaladdii ugu dambaysay feyruska korona ee dalka Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay in feyruska korona laga helay 105 qof afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay, halka 3 qofna ay u geeriyoodeen xanuunka awgiis.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobollada kala ah, gobalka Banaadir (90), Jubbaland (10), Koonfur Galbeed (2), Hirshabeelle (2), iyo Galmudug (1) qof, bukaannada xanuunka la ildaran 65 ka mid ah waa rag, halka 40-ka kalena ay yihiin haween.

Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona dalka soomaaliya tan iyo markii cudurka safmarka ah uu ka bliowday dalka ayaa gaaraysa 6,549, waxaa illaa iyo imminka ka bogsaday tiro gaaraysa 3,783 qof. Tirada dhimashada ayaa sida wasaaraddu ay warbixinta ku sheegtay waxaa ay gaaraysaa 218 qof.

Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziya Abiikar Nuur, ayaa mar kale ku celisay muhiimadda ay leedahay, qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helaayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinaayo khatarta uu cudurkaan feyruska korona dadka ku keeni karo, maadaama mowjaddii labaad ee cudurka ay mar kale ka bilaabatay dalka Soomaaliya.

Xigasho: Raadiyo Muqdisho