Xaaladda guud ee Korona iyo Finland (422 xaaladood oo feyruska ah iyo 5 dhimasho cusub ah)

Kooxda iskudduwidda arrimaha korona ee caasimadda iyo hareeraheeda oo soo saaray xadaymo cusub. Sawirka: Mohamed Ibrahim/Suomen Somali Media

(Warkaan waxaa la cusboonaysiiyay Isniin 29.03, saacadda 12.20)

Tirada dadka laga qaaday saamiga baarista korona 3 901 600 (+ 29 700)
Tirada laga helay feyruska 76 425 (+ 1671)

·       Sabti 27.3 waxaa laga helay 791 qof

·       Axad 28.3 waxaa laga helay 458 qof

·       Isniin 29.3 waxaa laga helay 422 qof

 

Tirada daryeelka isbitaalllada jaamacadda        184 (+5)
Tirada daryeelka isbitaalllada xarumaha caafimaadka        75 (+0)
Qaybta gargaarka degdegga ah        54 (-5)
Tirada dhimashada      822(+5)
Feyruska nooca cusub 2 584 feyruska cusub ah, nooca ingiriiska oo 2 403 xaaladood ah, iyo 180 ah nooca laga helay K/afrika iyo 1 nooca Baraaziil ah
Tirada dadka la tallaalay   Qiyaastii 932 253 oo qof (29.03)

Xigasho:THL