Duqa magaalada Espoo oo ku booriyay dadweynaha reer Espoo in ay u hoggaansamaan hagista ku saabsan feyruska korona

Espoon Kaupunginjohtaja Jukka Mäkelä

Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä ayaa ka codsaday dadweynaha reer Espoo, in ay dhammaantood u hoggaansamaan hagista ku saabsan arrimaha korona ee ay howlwadeennada dowladdu bixinayaan. Waxaa duqa magaalada uu sheegay in cudurka feyrusku uu si fudud ku faafayo, sidaas awgeedna ay muhiim tahay in qofku uu si aad ah isaga ilaaliyo. Waa in qof walba oo naga mid ah uu ka taxaddaro caafimaadkiisa, kan ehelkiisa iyo kan dadka kale oo dhan, ayuu yiri Jukka Mäkelä.

Degmada Espoo waxaa maalmihii ugu dambeeyay tirada cusub ee feyruska laga helaayo dadka uu u dhexeeyay 20-45 qof maalin walba. Soo ifbaxa feyruska ee degmadana sare ayuu u kacayay toddobaadyadii la soo dhaafay. Si kastaba dabaggalka ama raadraaca ku saabsan faafista feyruska ee degmada Espoo si wanaagsan ayay hawsheedu u socotaa, xaaladda isbitaalladana waa mid wanaagsan.

Jukka Mäkelä waxaa uu sheegay in degmadu ay diyaarisay adeegyo badan oo looga hortagaayo feyruska korona. Waxaana degmada Espoo ay xoojisay qaabkii warbixinta lagu gaarsiin lahaa dadweynaha luqadaha kala duwan ku hadla ee reer Espoo ah, iyadoo loo maraayo gaarsiinta warbixinahaas macahdayada iyo dariiqyada kale ee adeegyada kala duwan ee lagu gaarsiin karo warbxinaha. Tilmaanbixinaha ugu muhiimsan ee ka soo baxa dhanka howlwadeennada dowladda waxaa lagu soo daabacaa bogga magaalada Espoo ee loogu talagallay arrimha feyruska koron: espoo.fi/koronavirus, iyo sidoo kale wargeyska maalinlaha ah ee ka soo baxa degmada ee Länsiväylä. Sidoo kale waxaa howlwadeennada degmada Espoo ay fariimaha ku saabsan ka hortagga feyruska korona u kala diraan dhammaanba urrurada bulshada iyo kuwa diimaha ee ka diiwaangashan degmada Espoo.

Duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä waxaa uu dadweynaha reer Espoo kula dardaarmay in ay joojiyaan xafladaha bilahan la qabto ee ku tacaluqa diinta kiristanka iyo dhammaan wixii xaflado kale ah sida aroosyada, isagoo ku boorriyay in halkii isuimaatinka loo beddelo dhanka internetka oo qaab firjuwaal ahaan ah loo kulmo. Waxaana uu yiri Duqa magaalada Espoo: ” iska daaya isuimaantiga koox-kooxda ah, waayo sababaha ugu badan ee feyrusku uu aadka ugu faafay waa xafladaha sida aroosyada, kullamada saaxiibbada iyo joogitaanka xarumaha dukaamada.

Magaalada caasimadda iyo hareeraheeda dadka ku nool waxaa loo soo jeediyay in aanay ku kulmin koox ahaan wax ka adan 20 qof. Sidoo kale in la ilaaiyo qaadashada afshareerka, kala fogaanshaha iyo nadaafadda caafimaadkaba.

Waxaa sidoo kale duqa magaalada Espoo Jukka Mäkelä uu si gaar ah u xusuusiyay dadweynaha reer Espoo, muhiimadda qaadshada afshareerka, gaar ahaan marka la raacayo gaadiidka dadweynaha, goobaha guud ee la isgu yimaado, goobaha hiwaayadda, garoomada gudaha ee isboortiga lagu ciyaaro, dugsiyada dhexe, kuwa sare iyo macaahidda, iyo marka dukaamada laga adeeganaayo.

Qof walba waxaa saaran mas’uuliyad. Xusuusnaada in aad guryaha joogtaan, haddii aad isku aragto xitaa wax yar oo astaamaha xanuunka ah. Astaamaha cudurka feyruska korona waxaa ka mid ah, qandho ama xummad, qufac, dhuun-xanuun, duuf ama hargab, adkaanta neefsashada, dhadhanka iyo urta oo taga, calol-xanuun ama shuban, iyadoo aanay jirin wax sabab ah oo keeni kara calool-xanuunkaas.

Haddii aad ka shakisan tahay in waxa ku hayaa uu yahay feyruska korona, waxaad gashaa bogga internetka ee Omaolo (https://www.omaolo.fi/palvelut/oirearviot), kaaso aad buuxin doonto foom lagugu weydiinaayo xaaladdaada, kaddibna lagu siin doono hagista ku haboon hadba astaamaha ku haya sida ay yihiin.

Haatan qof kasta oo ay hayaan wax ka mid ah astaamaha feyruska korona, waxaa laga qaadayaa baaritaanka saamiga feyruska korona.

Waxaad ka ballansan kartaa saamiga baarista feyruska korona bogga internetka ee  www.koronabotti.hus.fi

Waxaa kaloo xilliyada shaqada iyo sidoo kale sabtida iyo axadda laga bilaabo 9- 15 ama meelaha qaarkood illaa 18:00-ka, aad wici kartaa lambaradda loogu talagallay arrimaha korona ee degmo walbaa ay gaarka u leedahay. Tusaale ahaan reer Espoo  09 816 346, Vantaa 09 839 50 000, Helsinki 09 310 10024.

Xilliyada kale ee intaa ka baxsan waxaa la wici karaa lambarka guud ee heeganka oo ah 116 117.

Waxaadna warbixnaha iyo hagista feyruska korona oo faahfaahsaan, islamarkaana ku qoran luqaddaada hoyo aad ka heli kartaa bogga rasmiga ah ee internetka ee degmada aad ku nooshahay.

Marka aad baarista feyruska u socoto, waa in aad qaadataa gaarigaa kuu gaarka ah, ama baaskiilkaaga ama aad u lugaysaa, haddii goobta lagu qaadayo ay kuu dhowdahay. Marka aad baxayso xiro afshareerka, dadkana ka fogow oo ha u dhawaan. Haddii xaaladdaadu ay aad u liidato oo aadan bixi karin, tusaale ahaan si aad ah aad u qufacayso,amaba aad u nuglaatay feyruska oo karantiil aad ku jirto, ha bixin, wac oo u  sheeg xaaladdaada kalkaalisooyinka caafimaadka , markaa guriga ayaa laguugu imaanayaa. Inta baaritaanku kuu maqan yahay ee natiijada lagaaga soo sheegayana, gurigaaga ku jir oo ha ka soo bixin, waayo waxaa dhici karta in adigoo aan wax astaamaha xanuunka ah lahayn aad siddo feyruskii, dababdeedna aad sidaas dad badan ku galaafato oo cudurkii aad qaybiso adigoo aan is ogeyn.

Xigasho: www.espoo.fi