Xaalad aragagax leh oo ka dhacday Helsinki: Booliska oo guri ka helay meydka hooyo iyo ilmo yar oo ay dhashay

Sawirka baabuurka booliska: Sawirku lama xiriiro kiiska

Booliska Helsinki ayaa sheegay in Jimcadii la soo dhaafay ee ku beegnayd 25.3.2022 ay ciidanka boolisku hawlgal ku tageen guri ku yaal xaafadda Latokartano ee magaalada Helsinki, halkaas oo ay ka heleen labo qofood oo meyd.

Booliska qaybta Helsinki ayaa shaaca ka qaaday in ay qabaan tuhun ah in hooyadu ay ilmaheeda dishay kaddibna ay iyadu isdishay. Ilmahan meydka ah ayaa ku jiray sida ay boolisku sheegeen da’da iskuulka. Waxaa kale oo ay boolisku sheegeen in aanay jirin cid kale oo ay haatan falkan la xiriirinayaan ama ay uga shakisan yihiin.

Marja Väätti oo ah dembi-baaraha gacanta ku haya kiiskan ayaa diiday in uu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo kiiskan.

Falalka lagu dilo carruurta ayaa ah kuwa aan ku badnayn Finland, laakiin ma ahan wax aan dhicin.

Isha warka: Yle