Magaalada Tampere oo u diyaargaroobaysa in ay af-shareer lacag la’aan ah u qaybiso dadka uu dhaqaalahoodu yaryahay

Tampere 14.8.2020- Dadka uu dhaqaalahoodu yaryahay ee reer Tampere waxay fursad u heli doonaan in ay mardhow helaan af-shareerka fidinta cudurada neefta iyo dhibicda lagu kala qaado looga gaashaaman karo.

Magaalada Tampere ayaa sheegaysa in qaybinta af-shareerku ay ugu dambeyn billowga todobaadka soo socda ka billaaban doonto goobaha kala duwan ee lagu bixiyo adeegyada magaalada iyo ha’adaha kale ee ay magaalada wadashaqeeyaan.

Maanta oo Jimco (14.8.2020) ayaa waxaa la iskudayayaa in af-shareerka qaybintiisa laga billaabo goobta ay Laanqayrta Cas ee Finland cuntada ku qaybiso.

Goobaha af-shareerka lagu qaybinayo waxay magaaladu ku soo qoraysaa bogaggeeda internetka islamarka la ogaado goobaha lagu qaybinayo iyo xilliyada la qaybinayo.

Waxaa la soo jeediyay in af-shareerfka la isticmaalo marka la saaranyahay gaadiidka dadweynaha oo loo sii socdo baaritaanka fayruska Korona iyo marka baaritaanka laga soo laabto iyo weliba muddada la sugayo jawaabta baaritaanka bannaanka gurig in la aadana aan laga maarmin.

Dadka lagu talinayo in ay af-shareerka isticmaalaan waa kuwa ka weyn 15 sano. Muhiimadda koowaad waa in markasta oo ay suurragaltahay dadka kale laga fogaado 1-2 mitir oo masaafada ammaan ah, gacmaha la dhaqdo, lagu qufaco laabatada xusulka ama fasaleetiga diifka ee halka mar la isticmaalo iyo in la iska dhowro taa-taabashada wejiga.

Xuquuqda sawirka: Hämeen sanomat