Finland waxaa laga helay maanta 269 qof oo uu ku dhacay feyruska korona iyo 2 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Sawirka Tabeelaha Hay'adda THL. Xuquuqda Sawirka: Suomen Somalimediaverkosto

Arbaca 05.05.2021. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 269 qof oo hor leh dalkaan Finland.Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 87 798 qof. Labadii toddobaad ee ugu dambaysay ayaa tiro gaaraysa 3 001 qof waxaa ay ku korortay tirada dadka laga helay feyruska korona.

Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo ka mid ah magaalooyinka dalkaan Finland ayaa feyruska laga helay. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay159 qof,  gobolka Varsinais-Suomi oo laga helay 45 qof , iyo gobolka Pirkanmaa oo  laga helay 18qof.

Magaalooyinka tirada ugu badan ee feyruska laga helay:

Helsinki 65
Vantaa 35
Espoo 19
Salo 18
Turku 14
Tampere 12
Oulu 10
Järvenpää 9
Lahti 6
Vihti 6
Hämeenlinna 5
Kerava 4
Porvoo 4
Hyvinkää 3
Kouvola 3
Raisio 3
Karkkila 3
Tuusula 3
Lappeenranta 3
Mäntsälä 2
Nakkila 2
Imatra 2
Lohja 2
Naantali 2
Nokia 2
Parainen 2
Siilinjärvi 2

 

Inta kale ee magaalooyinka ee soo hartayna waxaa laga helay min hal qof.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 130 qof. Qaybta gargaarka degdegga ah waxaa ku jira  24 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waa 918 qof, kaddib markii hay’ada THL ay sheegtay maanta dhimashada 2 qof oo hor leh. Waxaana labadii toddobaad ee la soo dhaafay tirada dhimashadu ay wadarta guud ahayd 23 qof.

Waxaa kaloo hay’adda THL ay shaaca ka qaadday in feyruska nooca cusub ee korona laga helay dalkaan Finland 5 374 oo qof, kuwaasoo 4 521 ka mid ah uu yahay nooca Ingiriiska, halka 852-da kalena uu yahay nooca Koonfur-Afrika iyo 1 nooc oo ah kan cusub ee Baraaziil. (waxaa la cusboonaysiisay macluumaadkaan 30.04).

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in ay haatan tallaaka qaateen dad lagu qiyaasay in ka badan 1 764 405 oo qof (05.05).

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

  Adduunkoo dhan Qaaradda Yurub
Tirada feyruska laga helay 155 075 526 50 764 733
Tirada u dhimatay feyruska 3 243 443 1 078 130

 

  Qaaradda Afrika Qaaradda Aasiya
Tirada feyruska laga helay 4 627 444 41 444 902
Tirada u dhimatay feyruska  123 210 541 327

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka ay xaaladda ugu badan ee faafista feyrusku  ka jirtay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay

Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
Hindiya 20,658,234   382 691    3 786  226 169
Baraaziil 14,860,378     69 378    3 025  411 854
Turkiga  4,929,118     28 997       336     41 527
Jarmalka  3,435,877     12 305       265     84 285
Arjantiin  3,047,417     26 238       410    65 202
Kolombiya 2,919,805     14 551       463    75 627
Iiraan 2,575,737     20 150       344    73 219
Faransiiska 5,680,378     24 371       247   105 387

 

Haatanna waxaan shaxdaan idiinku soo gudbinaynaa dalalka waqooyiga Yurub, dalka Sucuudiga oo arrimaha xajka iyo cumrada loo aado iyo dalkeenna Soomaaliya

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
28 Sweden 988,554       14 091
63 Denmark 254 482    809     1    2 491
88 Norwey 114,436    484           757
159 Iceland  6 491    8              29
42 Saudi-Arabia  421 300    999     14     7 006
133 Soomaaliya  14 121    206     8       721

Xigasho:YLE, HS,WORLDOMETERS