Wararka feyruska korona ee Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 297 qof oo cusub oo qaba feyruska korona iyo 9 xaaladood oo dhimasho ah

 Isniin 23.11.2012. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 297 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 21 936 qof.

Iskudarka guud waxaa feyruska laga helay 48 magaalo. Meelaha ugu badan ee laga helaayo faafista feyruska waxaa wali ah magaalada Helsinki iyo gobolkan Uusimaa oo laga helay 182 xaaladood oo cusub, Waaxda caafimaadka ee Pirkanmaa 33 qof, waaxda caafimaadka ee Päijät-Häme 21 qof.  Magaalooyinka sidan soo socta ayaa looga kala helay feyruska Helsinki: 78 qof, Espoo: 46 qof, Vantaa: 41 qof, Tampere: 19 qof, Lahti:15 qof, Jyväskylä:9 qof, Rautalampi: 9qof, Turku: 8 qof, Oulu: 6 qof.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 120 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 15 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran. Jimcihii kaddib 16 qof ayaa ku soo biirey daryeelka isbitaalka. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga waxaa feyruska korona u dhintay 9 qof oo hor leh, taasoo tirada dhimashada ka dhigeysa 384 qof.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

16 431 009 58 767 440
 

Tirada u dhimatay feyruska

371 428 1 388 670