Warbixin kooban: Hay’adda THL oo sheegtay in Finland manta (16.8.2020) laga helay feyruska korona 11 qof (Magaalooyinka kiisaska ugu badan laga helay)

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL waxaa ay shegtay in dalkan Finland laga helay 11 qof oo cusub oo uu ku dhacay feyruska korona. Tirada guud ahaaneed ee illaa iyo haatan laga helay feyruska waxaa ay noqoneysaa 7731 qof.

Sida ay sheegtay hay’adda THL, magaalada Helsinki waxaa laga helay feyruska korona 2863 qof, tiradii shalayna (16.8.2020) waxaa ku korortay 3 qof.

Hoos waxaa ku qoran shax muujineysa wararka ku saabsan faafidda feyruska korona ee magaalooyinka Finland (kuma jiraan magaaloyinka ay dadka cudurka qaaday tiradoodu ka yar tahay 5, tan iyo intii uu xanuunkan safmarka ah ka bilowday Finland):

  • Helsinki: 2863 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 3 )
  • Järvenpää: 122 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 2)
  • Vantaa: 936 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 2)
  • Espoo 903 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 2)
  • Vaasa 47 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 1)
  • Lähti: 85 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 1)
  • Jyväskylä: 116 qof (tiradii shalay waxaa ku korortay: 1)

Waxaa qoray: Abdirizak Sugulle