Finland waxaa laga helay maanta feyruska korona 283 qof iyo 4 xaaladood oo dhimasho cusub ah

Talaada 29.12.2020. Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in maanta laga helay feyruska korona 283 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa noqoneysa 35 420 qof.

Iskudarka guud illaa iyo 55 magaalo oo dalkaan Finland ah ayaa laga helay cudurka. Waxaa ugu badan meelaha feyruska laga helay gobolka Helsinki iyo Uusimaa oo laga helay 144 qof, Gobolka Varsinais-Suomi oo 60 qof ah, iyo Gobolka Pirkanmaa oo 22 qof ah.

Magaalooyinka laga helay tirada ugu badan ee feyruska ayaa ah sidatan soo socota: Helsinki: 83 qof, Turku: 33 qof, Vantaa: 23 qof, Espoo: 19 qof , Parainen: 8 qof, Oulu: 7 qof, Jyväskylä: 7 qof, Lahti: 6 qof, Tampere: 6 qof, Hämeenlinna: 5 qof, Hyvinkää: 5 qof, Nokia: 4 qof, Virrat: 4 qof, Järvenpää: 3 qof, Sipoo: 3 qof, Kaarina: 3 qof, Kuopio: 3 qof, Kotka: 3 qof, Ylöjärvi: 3qof, Kerava: 3 qof, Lieto: 3 qof, Vaasa: 3 qof, iyo inta soo hartay ee magaalooyinka kale oo min laba qof iyo min hal qof laga helay.

Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ugu jira 221 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, kuwaasoo 30 qof oo ka mid ah ay ku jiraan qaybta gargaarka degdegga ah. Waxaana toddoba maalmood gudahood tirada qaybta gargaarka degdegga ah u baahan ku so korortay 2 qof. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) tirada dhimashada ayaa tan iyo markii cudurka safmarka ah ka bilowday Finland waxaa ay maraysaa 550 qof, kaddib markii ay feyruska korona awgiis u dhinteen 4 qof oo hor leh sida ay maanta sheegtay hay’adda THL.

Xaaladda Korona ee adduunka oo dhan

 

 

Qaaradda Yurub Adduunkoo dhan
 

Tirada feyruska laga helay

 25 724 587    81 733 053
      554 564    1  782 992

 

Haatanna waa shaxdii muujineysay dalalka ugu badan caalamka ee tirada laga helay feyruska korona ay kor u dhaaftay halka milyan ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay 

NO Dalka Tirada guud ee Feyruska Tirada cusub ee feyruska Tirada cusub ee dhimashada Tirada guud ee dhimashada
1 Maraykanka 19,8 milyan  186 391   1 966 343 182
2 Hindiya 10,2 milyan    16 072      250 148 190
3 Baraaziil 7,50 milyan    22 605      495 191 641
4 Ruushka 3,07 milyan    27 787      487   55 265
5 Faransiiska 2,56 milyan      2 960      363   63 109
6 Ingiriiska 2,32 milyan     41 385      357   71 109
7 Turkiga 2,16 milyan     15 197      257   20 135
8 Talyaaniga 2,05 milyan       8 585      455   72 370
9 Isbeyn 1,89 milyan       8 314        76   50 122
10 Jarmalka 1,67 milyan     14 872      674   31 176
11 Kolombiya 1,60 milyan        9 310      203   42 374
12 Arjantiin 1,59 milyan        7 216      218   42 868
13 Meksiko 1,38 milyan        6 217      400  122 426
14 Poland 1,26 milyan        3 211        29    27 147
15 Iiraan 1,21 milyan        5 980      121    54 814
16 Ukrine 1,03 milyan        4 385        75    17 849
17 K/Afrika 1,01 milyan        7 548      336    27 071
18 Peru 1,00 milyan         1 251        51    37 525

 

Xigasho:YLE, HS, WORLDOMETERS