Wararka feyruska korona Finland iyo caalamka intiisa kale

Finland waxaa laga helay 222 qof oo cusub oo qaba feyruska korona.

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa shaaca ka qaadday in Arbaca 21.10.2020 laga helay feyruska korona 222 qof oo hor leh dalkaan Finland. Tirada guud ee dadka laga helay feyruska korona ee Finland ayaa gaareysa 14 071 qof.

Waxaa feyruska laga helay 40 magaalo oo kala duwan. Meelaha ugu badan ee cudurku aadka ugu faafayo waa magaalooyina kala ah, Helsinki 66, Jyväskylä 25, Espoo 23, Oulu 15, Turku 9, Vantaa 8, Loviisa 8, Tampere 7, Vaasa 7, Kuopio 7, iyo Porvo 5.

 Xanuunka feyruska korona awgiis waxaa isbitaalka ku jira 65 qof sida ay sheegtay hay’adda THL, 7 kamid ah dadkaasna waxaa ay ku jiraan qaybta xaaladda aadka u daran.

Hay’adda THL waxaa ay sheegtay in 4 qof oo cusub ay u dhinteen feyruska korona awgiis, taasoo tirada dhimashada ka dhigeysa 355 qof.

Kuopio iyo agagaarkeeda oo boqol qof ay u nuglaatay feyruska korona

Magaalada Kuopio waxaa Talaadadii kaddib laga helay 6 qof oo qaba feyruska korona, sidaasna waxaa sheegay maamulka magaalada Kuopio.

Dhakhtarka ka mas’uulka ah arrimaha cudurrada faafa ee magaalada Kuopio Raija Savolainen ayaa sheegtay in dabaggalka iyo caddeynta xaaladdaan taagan ee u nuglaanta feyruska ay tahay mid adag. Waxaana dhakhtaraddu ay sheegtay in dadka cudurka u nuglaaday ay tiradoodu gaareyso qiyaastii boqol qof.

Xaaladdan waa mid khuseysa dhowr meelood oo goobo shaqeed ah oo magaalada Kuopio gudaheeda iyo magaalooyinka ku dhowdhowba. Dhinaca kale xaaladda feyruska korona ee Kuopio waxaa ay haatan maraysaa heerka koowaad ee asaasiga ah, laakiin waan arki doonnaa waxa dhaca maalmaha soo socda, ayay tiri dhakhtaraddu.

Feyruska Korona oo si xoog leh ugu faafaya bariga Yurub, waxaana tirooyin badan oo cusb laga helay illaa iyo toddoba dal

Feyruska korona ayaa si xoog leh ugu si kordhaaya toddoba dal oo ka mid ah dalalka bariga Yurub, waaxan maanta gelinkii hore ay dalalkaasi soo weriyeen tirooyin aad u badan oo faafista feyrusk ah , waxaana ay kala ahaayeen sidatan soo socota:

Poland:

Tirada dadka uu cudurku ku faafay ee dalka Poland muddo saddex toddobaad gudahood ah ayaa labanlaabantay. Waxaana tirada guud ee dhimashada ay haatan maraysaa 202 579 qof.  Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay waxaa feyruska korona laga helay 10 040 qof oo cusub.

Iskuullada ayaa waxbarashada loo wareejin doonaa dhanka internetka, waxaana dowladdu ay sheegtay in ay soo saari doonto go’aamo cusub oo la xiriira sidii looga hortagi lahaa feyruska korona.

Ra’iisul wasaaraha dalka Poland Mateusz Moraviecki ayaa sidoo kale sheegay in la samayn doono isbitaallo dheeraad ah oo kummeelgaar ah.

Slovakia:

Dowladda Slovakia ayaa iyaduna sheegtay maanta, in laga helay dalkaas 2 202 qof oo cusub oo qaba feyruska korona. Tirada guud ahaan laga helay feyruska korona ee dalka Slovakia ayaa ah 33 602 qof, waxaana dhintay 98qof.

Ruushka:

Sida laga soo xigtay howlwadeennada arrimaha caafimaadka ee dalka Ruushka, waxaa afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay laga helay dalka Ruushka 15 700 qof oo qaba feyruska korona.

Sidoo kale waxaa dalka Ruushka aad u kordhay tirada dhimashada ee maalinlaha ah, waxaana afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay ku dhintay 317 qof.

Ukrain:

Dalka Ukrain ayaa iyaguna sheegay in afar iyo laabatnkii saac e la soo dhaafay laga helay dalkaas 6 719 qof oo hor leh. Sidoo kale waxaa feyruska korona u dhintay 141 qof.

Check:

Dalka Cechk ayaa iyaguna sheegay in afar iyo labaatankii saac e la soo dhaafay laga helay feyuska 11 984 qof oo cusub, waxaana feyruska awgiis u dhintay 106 qof.

Wasiirka caafimaadka Roman Prymula ayaa sheegay in maanta laga bilaabo dadka loo oggol yahay in ay aadaan oo kaliya shaqada, dhakhtarka iyo dukaamada raashinka. Waxaa la xiray dhammaanba iskuullada, maqaaxiyaha, matxafyada iyo hoolalka dabaasha. Waxaa furan oo kaliya farmashiyayaasha. Xadidaadaan cusub ayaa socon doonta illaa iyo 3 da bisha soo socota ee November.

Ra’iisul wasaaraha dalka Check Anderj Babis ayaa sheegay in tirada faafista cudurku ay kor u sii kaceyso, xadidaadihii illaa haatan lagu soo rogay dalkana waxba xaaladda aanay ka tarin.

Isbitaallada ayaa laga baqayaa in ay buuxsamaan, waaxana dalka Check uu caawimaad weydiistay dalal adduunka ka mid ah. Waxaa haatan u imaanaya 20 dhakhtar oo Maraykan ah, waxaana dalku uu dalbaday 2000 oo sariiraha isbitaalka ah.

Waxaa haatan xanuunka feyruska korona awgiis daryeel isbitaal ugu jira 4 400 oo bukaan.

Dalka Check oo tirada dadkiisu ay tahay 10.7 milyan, ayaa waxaa feyruska korona laga helay 194 000 oo qof, waxaana u dhintay 1 600 oo qof.

Slovenia:

Dalka Slovenia waxaa maanta feyruska laga helay 1 503 qof oo cusub, taasoo ah tiradii ugu badneyd ee feyruska laga helo tan iyo intii uu xanuunkan safmarka ka bilowday dalkaas. Waxaana toddobaadkan horaantiisii dalka lagaga dhawaaqay xukun degdeg ah iyo in aan bannaanka la socon karin inta u dhexeysa 21-06.

Korowaatiya

Dalka Korowaatiya ayaa isna sidoo kale waxaa laga helay feyruska 1 424 qof oo cusub, wana tiradii ugu badneyd ee illaa imminka laga helo feyruska. Waxaa dadka lagu soo rogay in ay qaataan afshareerka, isuimaantinka dadkana lama oggola wixii ka badan 50 qof.

Guud ahaanna sida lagu sheegay bogga internetka ee World meter ee qaabilsan tirakoobka arrimaha la xiriira feyruska korona, waxaa caalamka oo dhan laga helay feyruska korona tiro gaaraysa 41 milyan 50 kun iyo 368 qof. Waxaa sidoo kale tirakoobka lagu sheegay in tirada dhimashada heer caalami ahaan ay marayso 129 741 qof. Waxaana ka bogsaday cudurka 30 milyan 632 kun iyo 287 qof.

Xigasho: YLE, HS, MTV3, ALJAZEERA