Koox Aasiyaan ah oo ka baxay Helsinki, una sii gudbay magaalada Kainuu oo laga helay feyruska korona

Afar qof oo Aasiyaan ah, oo dalkaan Finland yimid muddo toddobaad kahor ah, ayaa laga helay feyruska korona. Waxaa dadkaas ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Helsinki-Vantaa, halkaasoo ay uga sii gudbeen Waqooyiga Finland oo ay tareenka u raaceen.

YLE ayaa sheegay in Kooxdan Aasiyaanka ah ay yimaadeen Finland subaxnimadii 14.8, waxaana mid iyaga ka mid ah lagu arkay astaamaha cudurka feyruska korona maalinkii Sabtida oo aheyd 15.8.

Kooxdan ayaa waxaa ay ahaayeen shaqaale xilliyeedka dalkan yimaada ee loo soo qaato shaqooyinka kala duwan, waxaana sida xarunta caafimaadka ee gobolka Lappi ay xaqiijisay in mid ka mid ah laga helay feyruska korona. Dhakhtarka caabuqa ee xarumaha caafimaadka Lappi Markku Broas ayaa sheegay in qofkan uu isla Jimcihii ahaa mid faafinaya cudurka.

Qofkan laga helay feyruska korona ayaa wuxuu maalinkii 14.8 oo dhan waqtigiisa ku qaatay gegida dayuuradaha ee Helsinki-Vantaa, waxaana dhici karta sida dhakhtarku sheegay in ay jiraan dad u dayacmay feyruska.

Kooxda Aasiyaanka ah waxaa ay galabnimadii Jimcaha u ambabaxeen Waqooyiga dalkan Finland. Jimcihii 14.8 ayaa waxaa ay saacaddu markii ay aheyd 21.03 magaalada Helsinki ka raaceen tareenka lambarkiisu ahaa IC 185 oo u socday magaalada Tampere, halkaas oo ay uga sii bedesheen tareenka gudaha ka shaqeeya ee 269, oo saacaddu markii ay aheyd 23.50 u ambabaxay dhanka magaalada Kolari.

Isu socodka Tampere iyo Kolari inta ay sugayeen wuxuu ahaa waqti aad u dheer, waxaana ay kooxdaas fadhiyeen goobaha la fariisto ee xarunta tareennada. Sida dhakhaatiirtu ay sheegeenna dadkii musaafriinta ahaa ee iyaga ag fadhiyay waa uu ku faafi karay xanuunku muddadaas ay tareenka sugayeen.

Dhakhtar Markku wuxuu codsanayaa in dhammaanba dadkii xilliyadaas la soo sheegay ka agdhowaa halka ay joogeen kooxdaas Aasiyaanka ah amaba saarnaa tareennadii ay la socdeen, ay xaaladdooda la socdaan, hay’adaha caafimaadkana la soo xiriiraan haddii ay isku arkaan wax ka mid ah astaamaha xanuunka.

Dabagalka faafista feyruska waa la bilaabay, waxaana jira dad lala xiriirey sida uu sheegay dhakhtar Markku. Illaa iyo lix qof ayaa haatan lala xiriirey, waxaana dhammaantood la geliyay karantiil.

Isha warka: YLE

Xuquuqda sawirka: Yle

Warkan waxaa diyaariyay soona turjumay Abdirizak Sugulle