Wefdi ballaaran oo ka socda Soomaaliya uuna hoggaaminayo agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Soomaaliya Caydaruus Macallin Xassan Cabdulle oo Safar shaqo ku soo gaaray Helsinki Finland

Wefdiga Soomaaliya- Xuquuqda sawirka: Moifar

Wefdigan oo ay qeyb ka yihiin wasaaradaha arrimaha gudaha ee dowlad Goboleedyada xubnaha ka aha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, xafiiska ra’iisal wasaraaha Soomaaliya, madaxtooyada Soomaaliya, wasaaradda warfaafinta Soomaaliya iyo gobolka Banaadir ayaa u yimid arrimo la xiriira aqoon isweydaarsi.

Wafdiga waxaa soo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka socotay Ururka Midnimada Soomaaliyeed ee Finland oo uu hoggaaminayay xoghayaha arrimaha bulshada ee Ururka midnimada Soomaaliyeed ee Finland Mudane Omar Abdi Olow iyo qaar ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Finland iyada oo inta ay joogaan Finland ay wefdigu la kulmi doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Finland oo uu horkacayo Ururka Midnimada Soomaaliyeed.

Finland iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo-jireen ah waxaana xusid mudan in Finland ay mashaariic badan oo toos ah iyo kuwa ay sii marsiiso hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka hawlagala ka fuliso goobo badan oo Soomaaliya ah.

Wefdiga Soomaaliya- Xuquuqda sawirka: Moifar

SSMV