Waxaa maanta qabuuraha Honkanummi ee magaalada Vantaa lagu aasay Allaha u naxariisto Abdifatah Egal oo ka tirsanaa ciidamada booliska ee dalka Finland+ Sawirro

Aaska Marxuum Egal- kuva-SSMV

Innaa Lillaali Wa innaa Ileyhi Raajicuun!

Waxaa maanta qabuuraha Honkanummi ee magaalada Vantaa lagu aasay Allaha u naxariistee Abdifatah Egal oo ka tirsanaa ciidamada booliska ee dalka Finland.

Aaska Marxuum Egal

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad aad u fara badan oo dhammaantood ka tiiraanyoonayay geerida Allaha u Naxariistee Abdifatah Egal.

Marxuumka ayaa tusaale u ahaa dhallinyarada ku dhalatay ama ku kortay dalkan Finland ee asal ahaan ajnabiga ah.

Aaska Marxuum Egal

Wuxuu safka hore uga jiray dadka fara-ku-tiriska ah ee ku hammiyay kana gungaaray ku biirista Ciidanka Booliska Finland, dadkaas oo asalkoodu yahay ajnabi.

Aaska Marxuum Egal

Bahda Shabakadda Warbaahinta Soomaalida Finland (SSMV) waxay markale ka tacsiyeeynaysaa geerida Eebe ha u naxariistee Abdifatah Egal oo maanta lagu aasay qabuuraha magaalada Vantaa.

Innaa Lillaali Wa innaa Ileyhi Raajicuun!