Waxaa maanta oo ku beeggan 27.8.2022 dalka Finland laga xusay Maalinta Booliska Finland+ sawirro

Photo-SSMV

Booliska Finland oo lagu tilmaamo, mid ku naaxa kalsoonida shacabka ayaa maanta meelo badan ku soo bandhigay waxqabadkooda, qalabka iyo gaadiidka ay isticmaalaan iyo weli Fardaha booliska oo iyagoo kooraysan lagu bedrayay goobo ku yaal caasimadda Finland ee Helsinki.

Barxadda Stoa ee Bariga Helsinki oo ka mid ah goobaha uu maanta boolisku ku xusay maalintiisa ayaa waxaa ku sugnaa dad badan oo qaarna ay u soo daawasho tageen halka qaar kale ay u yimaadeedn in ay ka dhammaystirtaan codsiyo la xiriira dukumentiyada safarka oo ay khadka internetka ku codsadeed.

Adeeggan ayeey boolisku ku sheegeen, mid ay dadka u soo dhoweeyeen, maadaama ay maantay tahay Baalinta Booliska Finland.
Isha warka iyo xuquuqda sawirada: SSMV

Photo-SSMV