Waxaa la soo bandhigi doonaa labo buug oo uu qoray abwaan/qoraa Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud) 

Taariikhda bandhigga buugaagta Sujuud

OGEYSIIS KU SOCDA DADKA SOOMAALIYEED EE DEGGAN FINLAND!

Waxaa la soo bandhigi doonaa labo buug oo uu qoray abwaan/qoraa Cabudllaahi Cabid Faarax (Sujuud) 

Daah-furka labadan buug ayaa ka dhacay maktabadda weyn ee bartamaha magaalada Espoo, Finland

BUUGGA KOOWAAD AYAA KA HADLAYA

ISLAAMKA IYO WAXA UU KA QABO XAGJIRNIMADA

Buugaagta uu qoray Cabdullaahi Sujuud

Buuggan oo uu qoray Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud) ayaa wuxuu ka koobanyahay shan cutub

  • Fahamka iyo sharraxaadda xagjirnimada
  • Islaamka iyo xagjirnimada
  • Sababaha loo xagjiroobo
  • Xalka xagjirnimada
  • Baraarujin iyo talo-jeedin ku saabsan xagjirnimada

Qoraagu wuxuu buugga ku qaadaa-dhigayaa aragtida uu Islaamku ka qabo xagjirinimada hadda dunida ka jirta iyo noocyada xagjirnimo ee hadda la aqoonsanyahay.

Qoraaga buuggu wuxuu tixraac ahaan u adeegsaday marka laga soo tago tafsiirka Quraanka iyo Axaadiithta Nabiga CSWS, kutub ay qoreen culumu Muslimiin dhexdeeda caanka ah oo manhajkooda waxbarasho uu kala gedisan.

Ujeedada buuggan laga leeyahay iyo dadka loogu talaggalay:

Buuggan waa buuggii ugu horreeyay oo si faahfahsan oo diini ah looga qoray xagjirnimada iyo waxa uu Islaamku ka qabo. Waxaa kale oo mudan in la xuso in buuggu uu qayb weyn ka qaadanayo gudbinta fahamka saxda ah ee ku saabsan aragtida ay Diinta Islaamku ka qabto waxa loo yaqaan xagjirnimada iyo argagixisada haatan Islaamka lagu calaamadeeyay.

Buuga labaad ayaa ka hadlaya doorki uu abwaan/qoraa Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud) ku lahaa geeddi-socodka nabadaynta Soomaaliya ee sannadihi 2006-2015, kaas oo ay dowladda Finland gacan weyn ka geystay. waxaa kale oo uu buuggu xambaarsan yahay suugaanta Sujuud uu soomaalida ku hoga-tusaalaynayo muhiimadda nabadda, caddaaladda iyo midnimada.