Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga (THL) oo war ka soo saartay goorta ay tahay in cunugga la geeyo baaritaanka feyruska Korona

Hay’adda caafimaadka iyo nololwanaagga THL ayaa soo saartay tilmaanbixin cusub oo ku saabsan, marka ilmaha xanuunsan ee lagu arko astaamaha adkaanta neefsashada la geyn karo baaritaanka feyruska korona.

Tilmaanbixin ay THL soo saartay Talaadadii ayeey ku hogatusaaleynaysaa, in ilmaha la geyn karo baaritaanka oo kaliya, marka ay qiimeynta ay sameeyeen waalidka ama qof leh xirfadda caafimaadka ay ka soo baxdo in ilmaha yar uu leeyahay astaamo tilmaamaaya caabuqa ama infekshanka feyruska korona.

Tilmaanbixintii ay toddobaadkii hore soo saartay THL ayaa ku talinaysay in xittaa haddii ilmaha lagu arko astaamo khafiif ah oo la xiriira neefsashada la geeyo baaritaanka, hase yeeshee haatan waxaa ay hay’addu soo saartay tilmaanbixinta kale ee kor ku xusan.

THL waxaa kaloo ay sheegtay, in iskuulka iyo goobaha barbaarinta horeba aanay waalidka ka dalbi karin in ay keenaan shahaado caddeyneysa natiijada baaritaanka ee tilmaamaysa in cunugga aan cudurka laga helin ama uu negatiif yahay.

Xuquuqda sawirka: THL

Warbixintan waxaa diyaariyay Ustaad Abdirizak Sugulle