Waxaa la shaaciyay shan siyaabood oo fudud oo looga hortegi karo mowjadda labaad ee Korona

Helsinki 10.8.2020- Waxaa markale sare u kacay fiditaanka fayruska Korona ee gudaha Finland, sida ay khubarada iyo hawlwadeennada caafimaadku qabaanna, mowjaddii labaad ee safmarka Korona waa ay billaabatay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la shaaciyay shan qaab oo haddii aad sameyso aad ku hakin karto fiditaanka cudurkan ay dunidu u caal-waysay.

Shantan hab oo ah kuwa fudud qofkastana uu sameyn karo ayaa sidan isugu xiga:

  1. Gacmo-dhaqista
Gacmo-dhaqashada saxda ah

Ku Dhaq gacmahaada biyo iyo saabuun ugu yaraan muddo 20 ilbiriqsiah. Jeermisdilaha gacmaha ayaa isna ah muhiim, laakiin waxaa ka wanaagsan in gacmaha si joogto ah saabuun iyo loogu dhaqo.

  1. Masaafada ammaanka
Masaafada ammaanka

Marka aad fayl ku jirto ama aad joogto goobaha uu dadku ku badan yahay, iska ilaali in aad dadka kale taabato. Waxaad sidoo kale oo dadka ka fogaataa ugu yaraan hal mitir.

  1. Meelaha uu dadku ku badan
Dad meel ku xoonsan

Iska ilaali, haddii ay suurragaltahay meelaha uu dadku ku badan yahay.

  1. Baararka iyo maqaayadaha
Goob ay baarar ku yaalaan

Waxaad dadka kula ballantaa meelaha bannaanka ah kana fogow goobaha ay dadku ku xoonsan yihiin ama ay ku badan yihiin.

  1. Af-shareerka
Af-shareer ama af-saab

Waxaa la xaqiijiyay in af-shareerka oo si sax ah islamarkaana joogto ah loo isticmaalo ay yarayso xawaaraha faafitaanka fayrusyada. Isticmaal af-shareerka haddii aadan masaafo ammaan ah dadka u jirsan karin, tusaale ahaan marka aad gaadiidka dadweynaha isticmaalayso.

Xuquuqda sawirada: Yle, HS, Kainuun sanomat